Xiddiga Arsenal Thomas Partey ayaa markii ugu horeysay lagu sawiray maaliyada kooxdiisa cusub tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga.

Partey ayaa maalintii ugu dambaysay 45 milyan oo euro ugu soo biiray Arsenal iyada oo Gunners bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska 27 jirka ee Atletico Madrid.

Ka dib markii uu u saxiixay Arsenal, Partey wuxuu isla markiiba u aaday waajibaadka xulalka Ghana.

Xiddiga khadka dhexe ayaa qeyb ka ahaa guuldaradii 3-0 ee ka soo gaartay Mali iyo guushii 5-1 ahayd ee uu xulkiisu ka gaadhay Qatar.

Laakiin haatan Partey ayaa ku soo laabtay kooxdiisa cusub ka hor kulankiisii ​​ugu horeysay ee uu sabtida ka hor tagi karo kooxda Man City.

Taageerayaasha Arsenal ayaa si aad ah u doonayay in saxiixa cusub ay ku arkaan Maaliyada kooxdooda.

Laakiin Partey ayaa ugu dambayn lagu sawiray isaga oo gacanta ku haya maaliyada Arsenal iyada oo kooxdu bogeeda Twitter-ka soo dhigay xiddiga oo gacanta ku haya Maaliyada kooxda oo uu dhabarka kaga qoranyahay Magaca “Thomas iyo lambarka No.18″.

Xiddiga ayaana farxadiisa ceshan kari waayay waxana uu sameeyay fal celis isaga oo dhoola cadaynayana yidhi”Woow, waa wax fiican, waa wax fiican”.

Sii Akhriso: Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Milatariga Somaliland oo Lagu Dilay Magaalada Hargeisa

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US