Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxaysa degmada Kaxda iyo Ceelasha Biyaha waa maanta ka dhacay dil toogasho iyo qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.

Koox hubeysan ayaa dil toogasho ku dilay Ibraahim Colow Cali oo ahaa guddoomiyaha waaxda 5-aad ee degmada Kaxda iyo Faadumo Mataan oo kamid ahayd dhakhaatiirta tallaalka degmada oo markaa ku sugnaa meel u dhow Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Labada qof ee la dilay waxaa gurmad u fidiyay dhalinyaro ka agdhowaa goobta, balse waxaa dhacay qarax ka dhashay gaari la sheegay inay ka teegeen kooxdii dilka geysatay, kaas oo sababtay in ay dhinteen dad aan wali la xaqiijinin tiradooda.

Laamaha amniga gobolka Banaadir ayaa weli hadlin qaraxa iyo toogashada Muqdisho.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US