DOHA(HALBEEG)-Wasiirka waxbarashada Jabuuti Mustafa Maxamed Maxuud oo booqasho ku jooga Qatar ayaa wadahadal la yeeshay dhiggiisa Qatar Maxamed Cabdulwaxaaid Alxamaadi.

Labada masuul ayaa isweydaarsaday sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhanka waxbarashada iyo sidii loo kaabi lahaa.

Wasiir Mustafa ayaa ammaanay xariirka wanaagsan ee dalkiisu la leeyahay dowladda Qatar taasi oo u uku tilmaamay mid taariikhi ah oo ku dhisan wada-shaqeyn iyo is-qaddarin.

Kulanka labada masuul kaddib sanduuqa horumarinta Qatar ee loo soo gaabiyo “QFFD” oo kaashanaya Bankiga Adduunka  ayaa dowladda Jabuuti la gaaray heshiis lagu maalgelinayo waxbaridda 35,000 oo carruur oo Jabuutiyaan ah kuwaas oo aan hadda tagin iskuullada.

Qorshaha carruurtan wax lagu barayo ayaa ah mid ka qeyb qaadanaya horumarka Jabuuti oo ay u simanyihiin rag iyo dumar sidoo kalemna dhiirigelinaya in waalidiinta ay ubadkooda u helaan waxbarasho.

Maalgelinta mashruucan waxaa iyana qeyb ka ah tababar loo samaynayo macallimiin loo diyaarinayo in ay ardaydaasi yaryar waxbaraan.

Iskaashiga labada dal ayuu wasiir Mustafa sheegay in Jabuuti uu u horseedayo tub horumar laga dhaxlo oo dadka Jabuuti ay ka faa’iidaan.

The post Qatar oo Jabuuti Ka Caawinaysa Dhanka Waxbarashada appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US