NEW YORK(HALBEEG)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqay in ay dhabbe u furto howlaha gargaarka bani aadannimo ee gobolka Tigray.

Guterres ayaa sidoo kale ballanqaaday in ay gacan u fidinayaan qaxootiga Itoobiyaanka ah ee baqaha ku soo galay dalka Suudaan oo ay haatan ku suganyihiin in ka badan 36.000 oo qaxooti Itoobiyaan ah.

Xoghayaha ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in la maqlo baaqooda lana joojiyo colaadda ka taagan gobolka Tigray, Itoobiyana ay u jihaysato dhanka nabadda iyo badhaadhaha.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa iyaduna saadaalisay in lixda bilood ee soo socota ay xuduudda Suudaan iyo Itoobiya ay ka tallaabi doonaan 200.000 oo qaxooti Itoobiyaan ah kuwaas oo ka baxsanaya colaadda gobolka Tigray.

Xaaladda gobolka Tigray ayaa sii xumaanaysa iyada oo ay wali dagaalladu socdaan, Khadka isgaarsiinta gobolkaasina ay go’antahay.

Ciidamada dowladda ayaa ku tookhay in ay horumar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan TPLF inkastoo aanay jirin faahfaahinno madax bannaan oo arrinkaa ku saabsan.

4-tii bishan ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ciidamada dalkiisa amar ku siiyay in ay guluf colaadeed ku qaadaan jabhadda TPLF ee fadhigeedu yahay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.


Post Views:
31

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US