AUCKLAND (HALBEEG)- Xisbiga Shaqaalaha Bidix-Dhexe ee ay hoggaamiso Jacinda Ardern ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashooyinka guud ee dalka New Zealand kadib markii maanta oo Sabti ah la shaaciyay natiijada doorashooyinka.
Codbixiyeyaasha dalka New Zealand ayaa markale codkooda ku abaalmariyay Jacinda ka dib qaabkii go’aan qaadashada laheyd ee ay u maareysay la dagaallanka cudurka safmarka ah ee Karoona Feyris.
Jacinda oo 40 jir ah ayaa soo dhisi doonta xukuumad hal xisbi ka kooban taas oo noqon doonta markii ugu horreysay ee Golaha Wasiirada New Zealand laga soo xulo hal xisbi muddo tobonnaan sano ah.
Jacinda ayaa muddo xileedkeedii hore wajahday fashil ku aadan hirgelinta isbedelladii ay ballan qaaday maadaama xisbigeeda uu la wadaagayay dhismaha xukuumadda xisbiga kale oo wadani ah.
Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku socda waddadii uu ugu guuleysan lahaa 64 kursi oo kamid ah 120 kursi ee uu ka koobanyahay baarlamaanka New Zealand, taas ayaana noqon doonta tiradii ugu badneyn ee uu hal xisbi ku guuleysto tan iyo markii ay New Zealand u guurtay nidaamka doorashada saamiga isu dheeli tiran 1996-kii.


Post Views:
27

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US