(Madrid) 29 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay in xiddigeeda David Alaba laga helay xanuunka Korona Fayras kaddib baaritaankii u dambeeyay ee ay mareen dhammaan xiddigaha, tababaraha iyo shaqaalaha kooxda.

Saxiixa cusub ee Madrid ayaa shaki weyn laga gelinayaa inuu ciyaaro kulanka saaxiibtinnimo ee ay kooxdiisa la balansan tahay naadiga AC Milan kaasoo dhici doona 8-da bisha August ee nagu soo fool leh.

Alaba ayaa qaab bilaash ah ugu soo biiray Los Blancos xagaagan kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskii uu kula jiray kooxda Bayern Munich, waxaana lagu waday inuu safto ciyaartiisa ugu horreysay ee Real Madrid kulanka Milan, se haatan dib ayay usii dhacday safashadiisa ugu horreysay ee kooxda Macallin Carlo Ancelotti maadaama laga helay fayraska faafa ee Koofid.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US