(Manchester) 12 Okt 2021. Goolhayihii hore ee Kooxda Manchester United, Sergio Romero ayaa ku biiray naadiga Venezia.

Shabaq ilaaliyihii Manchester United ee reer Argentine, Sergio Romero ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Kooxda ka dheesha horyaalka Serie A ee Venezia oo kula wareegtay beeca xorta ah.

Sergio Romero oo muddooyinkii ugu dambeeyey koox la’aan ahaa ayaa haatan helay koox cusub, waxaana Goolhayihii hore ee Manchester United uu beeca xorta ah ugu biiray kooxda Venezia ee ka dheesha horyaalka Serie A.

Kooxda Venezia oo kaalinta 17-aad kaga jirta kala sarreynta horyaalka Serie A ayaa xaqiijisay saxiixa Romero.

Bayaan ka soo baxay Venezia ayaana u dhignaa: “Venezia FC waxa ay ku farraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa goolhayaha Argentine ee Sergio Romero oo 34 sano jir ah oo aan kula wareegnay beeca xorta ah.”

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US