Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Leicester City kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Klopp iyo kooxdiisa ayaa Caawa Anfield ku marti galin doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee Premier League.

Taageerayaasha Reds ayaa war fiican ka helay xaalada dhaawacyada ka hor kulanka Leicester City kadib markii uu Klopp soo saaray Liiska xiddigaha uu u soo xushay kulanka.

Waxa Liiska ka soo muuqday xiddiga Fabinho kaas oo kaas oo war fiican u ah kooxda Liverpool marka loo eego in ay dhaawacyo dhaawac ah ku dhibaatoonayaan.

Dhanka kale waxa Liiska ka maqan xiddigaha dhaawac iyo waliba xiddiga Mohamed Salah kaas oo qaba xanuunka Korona isaga oo seegi doona kulanka.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha Klopp u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha: Alisson, Adrián

Daafaca: Andrew Robertson, Joel Matip, Nathaniel Phillips, Neco Williams, Kostas Tsimikas

Khadka Dhexe: Fabinho, Georginio Wijnaldum, James Milner, Naby Keita, Curtis Jones, Takumi Minamino

Weerarka: Roberto Firmino, Sadio Mane, Diogo Jota, Xherdan Shaqiri, Divock Origi

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US