Kooxda Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Luis Suarez kaas oo ay kala soo wareegtay Barcelona kana soo bixiyay lacag dhan 6 milyan oo euro.

Xiddiga reer Uruguay ayaa Barcelona kala heshiiyay in ay kansasho heshiiska uu kula jiro kooxda isaga oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano oo Atletico Madrid ah.

Suarez ayaa sanadkii mushahar ahaan uga qaadan doona Atletico lacag dhan 9 milyan oo euro isaga oo ka hoos ciyaari doona tababare Diego Simeone.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa badal u noqon doona Alvaro Morata oo isaga tagay Atletico Madrid kuna biiray kooxda Juventus maalmihii la soo dhaafay.

Suarez ayaa Barcelona kaga tagay magac halyeeynimo marka loo eego in uu joogay 6 sano oo uu u dhaliyay 198 gool 283 kulan oo uu u saftay.

Wararka ayaa sheegaya in uu Suarez No.9 u xidhan doono kooxda Atletico Madrid isla lambarkaas oo ah midkii uu u xidhanayay kooxda Barcelona.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US