Kooxda Barcelona ayaa dharbaaxo xooggan la kulantay ka dib markii ay soo baxeen baaritaanada hor dhaca ah ee la xariira dhaawaca daafacooda Gerard Piqué

Laacibkaas ayaa ku dhaawacmay kulankii Atletico Madrid ee halka gool looga badiyay kooxdiisa , waxa uuna laacibka ka baxay garoonka isaga oo ooyanaya waxaana laga helaaley jilibka .

Haatan , warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Gerard Piqué uu garoomada ka maqnaanayo muddo u dhaxeeysa 4 ilaa iyo 5 bil

Barcelona ayaa la filayaa in war rasmi ah ka soo saaraan saacadaha soo socda xaaladda laacibka balse xogaha hor dhaca ah waa ay ka deyrinayaan xaaladda

Dhaawacaas ayaa keenaya in Gerard Piqué uu maro qalliin keenaya in muddo fog uusan cagta soo dhigin garoomada, waxa ayna tani sii xoojijineysaa dhibaatada daafaca ee kooxdaas

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US