Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setién Ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Atletico Madrid kulanka adag ee ka tirsan horyaalka La Liga.

Quique Setién ayaa dib u helay xiddiga Sergi Roberto kaas oo dhaawac ka soo kabsaday kadib markii uu seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Barcelona.

Dhanka kale waxa Liiska ka soo muuqday xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo kaas oo tijaabada caafimaadka u soo maray kooxda Barcelona shalay oo axad ahayd.

Sidoo kale waxa Liiska ku soo laabtay xiddiga khadka dhexe ee Sergio Busquets kaas oo ka soo kacay ganaax uu ku seegay kulankii Celta Vigo ee Axadii dhacay.

Kaliya xiddigaha muhiimka ah waxa ka maqan xiddiga khadka dhexe ee Frankie De Jong kaas oo dhaawac kaga maqan kooxdiisa kulanka.

Advertisements

Image

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US