(Barcelona) 13 Sebt 2021. Waxaa qalliin lagu sameynayaa Weeraryahanka Kooxda Barcelona ee Martin Braithwaite.

Martin Braithwaite ayaa qalliin looga sameynayaa dhanka jilibkiisa bidix kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray.

Weeraryahankan Danish-ka ayaa qalliin looga sameynayaa Jilibkiisa bidix, lamina shaacin karo inta ay qaadanayso soo kabashadiisa.

Waxaa la xaqiijiyey haatan in Martin Braithwaite uu qalliinkaan Jilibka ah mari doono maalmaha soo socda, iyadoo kooxdiisana ay warbixin ka soo saari doonto muddada uu garoomada ka maqnaanayo laacibkan.

Xiddiga xulka qaranka Denmark ayaa saftay saddex kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan illaa iyo haatan, waxaana uu guud ahaan ciyaaray 226 daqiiqo.

Maalintii furitaanka xilli ciyaareedkan oo ay Barca garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweysay Real Sociedad ayuu weeraryahankan dhaliyey labo gool isagoo sidoo kale caawiyey gool kale.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US