(Manchester) 10 Luulyo 2020. Tababaraha reer Spain iyo kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay inuu ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka xiddiga reer Argantina ee Sergio Aguero, taasoo ka dhigan inuu seegi doono kulanka Real Madrid ee Champions League.

Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn.

Sergio Aguero ayaan ciyaari doonin kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League ay wada ciyaari doonaan kooxaha Manchester City iyo Real Madrid.

Haddaba tababare Pep Guardiola oo ka soo muuqday shir jaraa’id ayaa sheegay:

“Aguero ma ciyaari doono kulamada soo socda ee horyaalka Premier League, sidoo kale diyaar uma noqon doono kulanka Real Madrid ee bisha soo socota”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US