Wargayska AS aya shaaca ka qaaday xog muujinaysa sida ay Real Madrid u dhibaatooto mar walba oo uu ciyaaro xiddiga daafaca Bidix ee Marcelo xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka Marcelo ayaa si weyn hoos ugu dhacay labadii sano ee la soo dhaafay xogta ayaana muujinaysa in ay Real Madrid guulo gaadho marka uuna xiddigu ciyaarin.

Tababare Zinedine Zidane ayaa wali ku kalsoon xiddiga kaas oo laf dhabar u ahaa bilowgii xirfadiisa tababaranimo ee kooxda Real Madrid.

Marcelo ayaa ciyaaray 59 kulan oo horyaalka La Liga ah markii ugu horaysay ee uu Zidane tababaraha u noqday kooxda Real Madri.

Laakiin kadib markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda Marcelo ayaa ciyaaray 29 kulan waxana ay Real Madrid badisay kaliya 16 kulan.

Los Blancos ayaa laga badiyay 10 kulan oo uu ciyaaray Marcelo halka ay bar-baro galeen 3 kulan.

Si kasta ha ahaatee Marka uu Marcelo ka maqan yahay kooxda waxa ay badisay 20 kulan oo ka mid ah 30 kulan iyaga oo bar-baro galay 10 kulan sidoo kale aan wax guuldaro ah la kulmin taas oo muujinaysa sida ay Real Madrid u dhibaatooto marka uu Marcele ciyaarayo.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US