(Madrid) 11 Juun 2021. Weeraryahanka reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ku soo laabtay liiska xiddigaha ay Real Madrid ka dooneyso suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku dayday inay lasoo saxiixato 32 jirka Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhowr jeer sanadihii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain, Lewandowski ayaa noqon doona bar-tilmaameedka ugu weyn oo ay Real Madrid dooneyso inay ku xoojiso dhanka weerarka kooxda.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in suurtogal tahay ay Robert Lewandowski inuu sameeyo jawi badalesho, inkasta oo qandaraaska uu kula jiro Bayern Munich uu sii socon doono illaa xagaaga 2023.

Laakiin dhibaatada ugu weyn oo ay kala kulmi karto heshiiska Robert Lewandowski ayaa ah in ciyaaryahanka reer Poland uu helayo xiisaha kooxo kale ee waaweyn sida Paris Saint-Germain, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US