(Madrid) 11 Luulyo 2020. Real Madrid ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Deportivo Alaves garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiqadii 11-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay rigoore, waxaana gool ka dhigay Karim Benzema, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Marco Asensio, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Deportivo Alaves oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa haatan ka sara martay 4 dhibcood nadiif ah kooxda ku soo xigta ee Barcelona.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US