Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay dib ula soo wareegto xiddiga daafaca uga ciyaara Tottenham ee Sergio Reguilon marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa Tottenham ku soo biiray xagaagii waxana uu boos joogto ah ka helay kooxda isaga oo ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhan isaga oo ku lug lahaa 5 gool.

Sergio Reguilon ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogayo kooxda Tottenham laakiin Real Madrid ayaa heshiiska ku dartay in ay xiddiga dib ula soo saxiixan karto marka ay doonayso kana bixin kartao 40 milyan oo euro.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Zidane la dhacay qaab ciyaareedk xiddiga sidaas darteed doonayo in uu dib u soo celiyo.

Tababare Zidane ayaa ku qanacsan in uu xiddigu noqon doono xiddig muhiim ka ah qorshihiisa kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US