Real Madrid Oo Xasuuqday Deportivo Xilli Benzema Uu Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay

Real Madrid ayaa xasquuqday oo ka aar gudatay Deportivo oo ay ku garaaceen 4/1 ka dib dib ciyaar qurxoon oo ay wiilasha Zidane soo bandhigeen .
Sheekada qeybta hore : waxa ay labada koox ku nasteen sedex gool oo nadiif ah oo ay Real laheyd waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 20-aad ee Ligaha
Kulankaas qeybtaas waxaa si wacan u maamulay Real waxa ayna soo bandhigeen ciyaar dhan waliba ka dhameystiran
Heerka kubad haysashada Real waxa ay gaareysay qeybtaas hoe %72 waxaana goolasha kala saxiixay Casemiro, Benzema iyo Hazard waxa ayna kala yimaadeen daqiiqadihii 15,41-aad 43-aad.
Real daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen kubad waliba rogaal celis aheydna si qurux badan ayay isaga soo bixinayeen .
Dhaqaaq wacan , is fahan ayay Real soo bandhigeen xilli Deportivo Alaves qaladaad daafac ayay ka sheeganayeen iyo kubadda cagtooda ku daahdo.
Qeybta labaad , Deportivo Alaves waa soo wacnaadeen inkastoo Real kubad haysashada ku sareeyeen waxa ayna la kulmayeen daafac adag .
Deportivo weerar ahaan waa soo wacnaadeen waxa ayna keeneen gool daqiiqadii 59-aad xilli ay sii jireen isku dayo kala duwan
Inkastoo Deportivo aad u wacnaayeen qeybtaas labaad hadana kalsoonida Real iyo qibradooda waxa ay keeni kartay gool illaa mid afaraad cajiib ah uu dhaliyay Benzema daqiiqaddii 70-aad.
Zidane waxa uu badaladaas ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 63-aad waxaana la saaray Hazard oo lagu badalay Vinicius Junior , waxaana xigay oo la soo giliyay isco iyo Alvaro Odriozola oo daqiiqadii 77-aad loo badalay Modric iyo Marco Asensio
Si waliba Deportivo u dadaaleen waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 4/1 oo ay Real ku aar guteen