Halyeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay 6 kooxood oo wali ku guulaysan kara horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdiisii hore hogaaminayso horyaalka.

Tartanka loogu jiro horyaalka ayaa ah mid adag xilli ay hogaanka horyaalku is badalay 3 jeer todobaadkii 19-aad.

United ayaa sii joogtay kaalinta 1-aad kadib markii ay bar-baro la galeen Liverpool Axadii hore taas oo keentay in ay Leicester City hogaanka la wareegto kadib markii ay garaacday chelsea.

Man City ayaa dhankeeda hogaanka qabatay kadib markii ay garaacday Aston Villa ka hor inta ayna United ku soo laaban hogaanka kadib markii ay garaacday Fulham.

Rio Ferdinand ayaana sheegay in ay jiraan 6 kooxood oo ku guulaysan kara horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii la ciyaaray 19 kulan.

“Hadii aad eegto horyaalka, Waxa ku tartamaya Man United, Man City, Tottenham, Liverpool, Everton Iyo Leicester”ayuu Ferndinand u sheegay Manchester Evening News.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US