(Lisbon) 10 Juun 2021. Xulka qaranka Portugal ayaa si xarrago leh usoo gabo-gabeeyay kulammada isu diyaarinta tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 kaddib guushii uu ka gaaray dhiggiisa Israel.

Kabtanka iyo gooldhaliyaha ugu sarreeya xulkaas ayaa xalay markale shabaqa gaaray, waxaana uu kusii dhowaanayaa inuu jabiyo laacibka goolasha ugu badan u dhaliyay hal xul.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii labaad ee xulka Portugal kaasoo 4-0 ku xaaqay Yuhuudda, waxaana uu aad ugu sii dhowaaday rikoorka Ali Daei oo heysta rikoorka gool-dhalinta xulalka kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee, Xiddiga Juventus ayaa haatan heysta 104 gool oo heer qaran ah kaddib 175 ciyaarood oo uu Portugal u saftay, waxaana uu shan gool u jiraa Daei oo 109 gool u dhaliyay xulka qaranka Iran isla markaasna ah xiddiga goolasha ugu badan u dhaliyay xulkiisa.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US