Prof. Sulaymaan muddo 50+ sanno ah ayuu dalkiisa u soo shaqeeyey, walina waa ma-daale heegan ah oo u adeegayaa dadkiisa. 53 sanno oo uu macallinnimo ummadiisa ugu soo adeegayey ilaa maanta, tacliinta Soomaalida wuxuu uga dhigan yahay, tiir aan liicin iyo ilays jahliga lagu iftiinsho. Muddadaas nus qarniga waxyar kor uga badan, dadkiisa aqoon ayuu ku habayay, wuxuuna ku astaysan yahay hormuud hirgalliyey hayaanka tacliinta sare.

Anigu qof ahaan, sagaashamaadkii ayaan bartay. Goor galab ah ayaan dhegta la helay idaacaddii af-Soomaaliga ku hadli jirtay ee Itoobiya, mise ruux aanan markaa garanayn ayaa qudbad yaab leh jeedinaya. La ashqaraaray codkarnimada iyo aftahamada mas’uulka hadlaya. Aniga oo is waydiinaya qofka uu noqon karo mudanahan hore codkiisa aanan u maqlin balse ku guulaystay inuu markiiba si buuxda u hanto dareemayaasha maqalka, ayaa qudbaddii la jaray. Wariye Maxamed Xuseen Giirre (AHN) oo malahayga galabtaa idaacadda daadihinayay ayaa soo galay isaga oo codkiisii dananayay kaga dayaaminaya. Wuxuu ku tiraabay weedh aan maankayga ilaa imika ka tirtirmin. Laye, “Intaa aan kaga gudubno qudbadda Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed oo aan hadalka waxna dhimin, waxna dhaafin” Maalintaas ayaa horta maqalka codkiisa iigu horeysay.

Waxa ii xigtay, aragti ahaan, maalmihii uu socday shirwaynihii nabadaynta ee Boorama, bilawgii 1993-kii. Wargeyskii Horyaalka Saxaafadda oo beryahaas Boorama ka soo bixi jiray ayaan kala socon jirnay geedisocodka shirka. Qudbad xiiso leh oo Prof. Sulaymaan shirka ka jeediyey ayuu joornaalku noo soo gudbiyey. Qiyaastii adkaynta nabadda iyo hub-ka-dhigista ayuu markan ka hadlayey. Erayadii uu madasha ka jeediyey, balse aan joornaalka ka akhriyey, qaybta xusuusta fog ee maankaygana ku dhegay, waxaa ka mid ahaa:

“Saddexda boqol ee wiil ee hubka sitaa, waa saddex boqol oo dawladood ee taas ogaada. Ka qoriga AK-ga ah sita iyo ka gaadhiga tiknikada ah wataanna, wuxuun bay awood ahaan u kala dhigmaan Maraykanka iyo Muritaaniya”

  1. Isbarbardhig xiise leh ayuu hadalkani iila muuqday. Wuxuu igu dhalliyey inaan dhuuxo oo sii baadho kala duwanaanshaha weyn ee labada dal, dhinac walba. Ayaandarro, waayahaas kansho uma aanu haysan agab cilmibaadhis kaa saacidi kara. Haddii laga tagi waayo, dhegaysiga barnaamijyada idaacadaha ayaa xog laga korodhsan karayey… Halkan ka akhri maqaalka oo dhammaystiran: S. A. Guuleed- Geeddiga Guusha

Hoos ka ka akhri qaar ka mid ah maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud:

Hiil Haween (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud) | Bandhige- Wararka Somaliland iyo faallooyinkooda

Lahashada Laba Fac (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sahanka Raage (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Ha tilmaamine tus (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xusuusqorkayga Xajka (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Beerta Nasashada (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Marti Sharfan (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Saaxiibbo kala hadhi waayey (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Karoona iyo Aw Diiriye kala war la’aa (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xasiloonida Xamar (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Abuurta Alle (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sheeko xikmad leh: Damac iyo Dalxiis (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud. Qoraaga maqaalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US