(Paris) 14 Okt 2021. Iyadoo maalmihii dhowaa ay muuqatay ifafaalo ku aaddan in Sergio Ramos uu kulankiisii ugu horreeyay u safan doono Paris Saint-Germain habeenka Jimcaha ciyaarta Angers ee ka tirsan horyaalka Ligue 1, haddana waxaa xalay soo baxay war ka duwan kii hore oo sheegaya inuu dib u dhac kale ku yimid safashada ugu horreysa Ramos ee kooxdiisa cusub.

Kabtankii hore ee Real Madrid ayaa xagaagan si bilaash ah ugu soo biiray PSG kaddib dhicitaankii qandaraaskiisii Los Blancos hase ahaatee, dhaawac soo gaaray awgeed, wali ma uusan u safan kooxda uu hoggaamiyo Macallin Mauricio Pochettino.

Wargeyska Le Parisien ayaa maalintii Isniinta daabacay inuu 35-sano jirkan heli doono safashadiisii ugu horreysay ee Paris kulanka Angers ee Jimcaha marka laga soo laabto ciyaaraha qarammada, hase ahaatee, isla wargeyska ayaa xalay tilmaamay inuu xiddigan wali tababar kaamil ah uusan la sameyn safka kooxda sidaas darteed, iska daa ciyaarta Jimcaha e, xitaa uusan ciyaari doonin kulanka Champions League ee 19-ka bisha PSG la balansan tahay RB Leipzig.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaanan dooneyn inay qatar geliso xaaladda xiddigan iyadoo sugeysa inuu si buuxda usoo kabsado.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US