MUQDISHO(HALBEEG)-Ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in ay badbaadiyeen 15 shaqaale oo saarnaa markab xamuul oo ku degay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Qoraal soo baxay ayaa sheegay in xarunta dabagalka howlgallada ganacsiga ee ciidamada badda Ingiriiska ay qeylo dhaan u direen ciidamada badda Mareykanka si ay u badbaadiyaan markabka Falcon Line oo matoorku ka xumaaday xilli ay goosheysay gacanka cadmeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in markii ay ciidamada Mareykanku heleen qeylo dhaantaas ay si degdeg ah ugu gurmadeen doonida si ay u badbaadiyaan shaqaalaha saaran ka hor inta aanu markabka biyaha quusin.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in shaqaalihii saarnaa markabkaasi dhammaantood la soo badbaadiyay loona fidiyay gargaar isugu jira cunno, biyo iyo caafimaad intaba.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay haatan xariir la samaynayaan milkiilaha markabka Falcon Line si ay isula meel dhigaan halka la geynayo shaqaalaha laga soo badbaadiyay markabka degay.

Falcon Line waa markab xamuul oo ka diiwaangashan dalka Gabon sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga Soomaaliya.

The post Shaqaalaha Markab Ku Degay Xeebaha Soomaaliya oo La Soo Samata-bixiyay appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US