Chelsea ayaa halis ku noqon karta kooxaha Liverpool & Man City tartanka loogu jiro horyaalka prmerier League.

Frank Lampard ayaa hal sano ku qaatay Stamford Bridge isgaa oo kooxda geeyay kaalinta 4-aad iyo waliba Final-ka FA Cup.

Lampard ayaa sameeyay saxiixyo waaweyn suuqii xagaaga iyada oo Blues lcag ka badan 200 oo milyan ku keentay xiddigo cusub intii uu furna a suuqii xagaaga.

U jeedkiisa ayaa ahaa in uu soo yeareeyo farqiga ay Chelsea ka dambaysa labada kooxood ee ugu fiican premier League ee Man City iyo Liverpool.

Laakiin Lampard ayaan wali adeegsan dhamaan xiddigaha kooxdiisa sabab la xidhiidha in ay dhaawacyo uga maqnaayeen dhawr xiddig oo kooxda ku soo biiray xagaagii.

Shaxda ugu adag ee chelsea ayaa shaki la’aan cabsi ku abuuri doonta kooxaha premier League marka uu Lampard wada helo xiddigaha u ciyaara kooxda.

Hadaba wargayska Daily Star ayaa soo saaray sida ay noqon doonto shaxda ugu adag ee kooxda chelsea marka ay taam wada noqdaan xiddigaha Kooxdu.

Shaxdaas ayay 6 ka mid ah noqon doonaan xiddigaha cusub ee chelsea ku soo biiray suuqii xagaaga marka ay taamka noqdaan taas oo ka dhigaysa shaxda ugu adag ee chelsea.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US