Kooxda Barcelona ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib dhaawacii soo gaadhay daafaca khabiirka ah ee Gerard Pique kaas oo ka dhawacmay jilibka kulankii Atletico Madrid.

Gerard Pique ayaa la sheegayaa in uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan 4 bilood hadii uuna wax qaliin ah galin oo uu kaliya daawayn qaato.

Laakiin Gerard Pique ayay u badantahay in uu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan hadii qaliin lagu sameeyo.

Inkasta oo uu kaliya daawooyin qaadan karo hadana khabiirada ayaa sheegaya in qaliinku yahay xalka ugu fiican ee uu haysto hadii uu doonayo in uu ka kabsado dhaawaca.

Hadii uu qaliin maro Gerard Pique ayaa garoomada ka maqnaan doona 6 ilaa 7 bilood taas oo la macno ah in uu seegi doono inta ugu badan xilli ciyaareedkan.

Dhaawaca Gerard Pique ayaa dhibaato weyn ku ah kooxda Barcelona marka loo eego in ay kooxdu haatanba dhibaatoonayso.

Hadaba Ronald Koeman ayaa ku qasbanaan doona in uu xal u helo waliba raadiyo daafac buuxin kara booska Gerard Pique Iinta uu maqan yahay.

POSS BAR XI vs. DYN

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US