MUQDISHO (HALBEEG)- Sii hayaha Wasiirka Booostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay ciladda ku timid internetka oo maanta ka maqan qeybo badan oo kamid ah dalka.
“Waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban” ayuu yiri Wasiir Cabdi Cashuur.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa intaas ku daray in uu dalka soo gaaray xarig khad cusub oo internetka bixin doona kaas oo noqon doona xarigga labaad ee dalka Soomaaliya soo gaarsiiya Khadka internetka ee Fiber Optic loo yiqaano.
“Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada” Ayuu yiri Wasiir Cabdi Cashuur.
Muqdisho iyo qeybo badan oo kamid ah dalka ayaa saakay ku waabariistay Internet la’aan waxaana warsaxaafadeed ay soo saareen qaar kamid ah shirkadaha Internetka bixiya lagu sheegay in Khadka uu maqnaan doono saacado kooban lagu sameynayo cilad bixin.


Post Views:
23

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US