MUQDISHO (HALBEEG)- Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo looga hadlayay isbadalka dhaqaalaha iyo saameynta COVID-19.
War qoraal ah oo uu Wasiir Beyle bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu ku sheegay in madaxda shirka ka soo qeyb gashay uu la wadaagay isbadalka maaliyadeed ee dalka iyo saameynta uu cudurka Koroona ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya.
“Waxa aan ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya oo aan uga hadalnay isbadalka Maaliyadda, Dhammeystirka qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo saameynta Koroona ku yeeshay Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem iyo taageerada uu Bangiga Aduunka siiyo Soomaaliya.
“Waxaan Bangiga Aduunka uga mahad celineynaa taageerada dhanka dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha iyo xoojinta ka jawaab celinta saameynta cudurka Karoona Feyris” Ayuu yiri Wasiir Beyle.


Post Views:
28

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US