MUQDISHO(HALBEEG)-Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Tukiga, Jamaal Caydiid iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku tagay magaalada Baku ee caasimadda Azerbeijan.

Danjiraha ayaa halkaas kulan kula qaatay Wasiirka Arimaha dibadda Azerbaijan Jeyhun Bayramov, iyagoona ka wada hadlay xariirka u dhexeeya labada dal oo ku dsaleysan iskaashi iyo wax wada-qabsi.

Qoraal kooban oo uu danjiruhu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “Annagu dhankayaga waxaannu uga mahadcelinnay sida fiican ee uu noo soo dhoweeyey. Waxaan u gudbinnay farriinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan xidhiidhka labada dal oo ah: Walaalnimo, is qaddarin iyo iskaashi isu dheelitiran”.

Sidoo kale wuxuu danjiruhu xusay in dib u soo celinta xariirka ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Azerbaijan ay fursad u tahay labada dal.

Danijraha ayaa sheegay in uu wasiirka la wadaagay xariirka taariikheed iyo midka dhaqan ee labada dal isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaliya mar walba ay taageereyso mowqifka Azerbeijan ee ku qotoma xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Bayramov ayaa dhankiisa tilmaamay in ay ka maqsuudeen xariirka saaxiibtinnimo iyo kan iskaashi ee ay wadaagaan Azerbeijan iyo Soomaaliya isaga oo si gaar ah u ammaanay mowqifka Soomaaliya ay ku barbar istaagtay dalkiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in uu danjiraha siiyay warbixin ku aaddan isbedellada siyaasadeed iyo kuwa milatari ee gobolka, burburkii Azerbeijan ka soo gaaray dagaalkii ay la gashay Armenia, halista miinada ee dhulalkii dirirtu ka dhacday iyo howlaha dib u dhiska ee haatan socda.

Labada dal ayaa ku ballamay iskaashi buuxa iyo isdhaafsiga booqashooyin iyo wufuud heer sare ah oo sii ambaqaadda xoojinta xariirka labada dal.

The post Soomaaliya Iyo Azerbeijan oo Xoojinaya Iskaashigooda appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US