Hordhac

Muddo badan, aad u badan, gaar ahaan soddonkii sannadood ee u dambeeyay oo ay soo lammaaniso soddonkii ka horreeyay, Soomaaliya waxa ay la daaladhacaysay helitaan la’aanta, hanasho la’aanta iyo in aysan jirin cid buuxisa kaalinta hoggaamineed ee waddanka lagu dhigi lahaa meesha ku habboon, wax lagaga beddeli lahaa ama lagaga samatabixin lahaa dhibta iyo godka uu ku dhacay. Iyada oo ay jirtay maamulxumo baahsan, ku darsatay sharci la’aan maaddaama oo xukuumaddii sharciga ahayd ay afgembiyeen askartii Kacaanku, haddana kolkii isla jabhado hubaysan ay xididdada u siibeen xukuumaddii Kacaanka, xaaladdu waa ay isbeddeshay. Waxaana Soomaaliya soo waajahay caqabado hor leh oo ka waaweyn, kana culus kuwii hore.

Haddii muwaadiniinta Soomaaliya ay ka cabanayeen kolkii hore xukuumad rayid ah, oo dimuqraaddi ah, laakiin caddaaladdii, garsoorkii iyo xaqii ku tumanaysa oo aan buuxinin baahidii dawladnimo iyo qarannimo ee Soomaalida.  Isla arrintaas oo uu abwaankii Soomaaliyeed, Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin), Eebbe ha u naxariistee uu lahaa:

–          Daab gudimo weli sooma jarin wiilashaan diray e

–          Halka dunida lagu geeddi yahay dayiba maysaane

–          Ummaddii daryeel weli ma helin daacadda ahayd e

–          Sidii bay u doonyaysan tahay damashii weyneyd e

–          Sidii bay duleeddada dhar li’i ugu dabjeexaane

–          Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha e

–          Sidii baa duddada aar dhaciyo dacow u joogaane

–          Sidii baa Dagaalow biyaha loo dawariyaaye

–          Sidii bay degmadu ceelashii ugu darleeftaaye

–          Sidii bay u dabagoosi tahay haradii Dooloode

–          Oo weliba dibindaabyo iyo diriri joogtaaye

–          Waa kaa dareersaday Amxaar dayr cadkii dhalaye

–          Dembi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye

–          Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galaye

–          Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye

–          Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal e

–          Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey

–          Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay

–          Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay

–          Sidii oon dayeysnahay miyaan dawgii ka hallaabay.

Abwaanku waxa uu tixdan oo magaceedu yahay “Saadaal” uu tiriyay dhammaadkii dawladdii Rayidka, afgembgii ka hor. Waxa uu ku sifaynayaa in weli dawladnimadii uu rabay uusan helin, weli hammigii iyo hiigsigii uu rabay aan la helin, kuna hungoobay laablakacii uu qabay kolkii hore. Dhinaca kale, jeerkii uu Kacaanku dalka qabsaday waxa haddana bilaabmay rejo iyo hungo kale oo laga qabey in Kacaanku dhaami doono, oo daldallooladii muuqday uu noqon doono midka gufeeya. Laakiin, ma dhacday sidii la naawilayay? May. Kacaanku waxa uu camcamo oo aasaaso dhibta jirtaba, ugu dambeyntii waa uu ku fashilmay wax ka qabashadeeda. Ilaa uu ugu dambeyntii miciinsaday hub iyo xoog in lagu muquuniyo dareenka shacabka muwaadiniinta ah ee wax tabanaya. Isla arrintan, barayaal iyo hal-abuurro Soomaaliyeed oo toddobaatanaadkii la geeyay Dusiga Tababarka Millateriga ee Bootiko Xalane, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Mooge Liibaan, Hadraawi, Cabdi Qays iyo Gaarriye ayaa tixdan hoose qalin-daraaleeyay. Ka dib ayaa abwaan Cabdi Qays uu heesta la yidhaa “Abidkayba Waan Jiray” allifay una dhiibay hoobal Maxamed Mooge Liibaan, waxaana ay ahayd heestaasi midda uu ugu jeclaa heesihiisa hoobalku, maaddaama oo ay ahayd mid ka dhalatay dareen iyo waayo uu soo maray.

–          Amar dhacay haddaad Aaminaay igala ooyayso

–          Ma ogtahay abkay macallin baa meel ku awdalane

–          Ma ogtahay Indiyan owshankaan ku ag wareegaaye

–          Ma ogtahay anfacdaan cunaa ma laha iidaane

–          Ma ogtahay askari jaahilaan amar ka qaataaye

–          Ma ogtahay waxaan wersadaa odayga weeyaane.

Iyada oo bulshadu Soomaalidu ay labadaas kooxoodba salluugtay maamulkooda iyo sida ay u hagayaan dawladnimada. Ugu dambeyn shacabku waxa ay naf bideen in jabhado hubaysan lagu rido taliskaas. Maxaa ka dhashay haddaba taliska dabadeed? Labadii mushkiladood ee hore looga cabanayay, midi waa helidda dawladnimo sharci iyo caddaalad leh, iyo dimuqraadiyaddii uu Kacaanku afduubay soo celinteeda, ayaa waxa ku soo biirtay mushkilado cusub oo kuwaas horeba ka waaweyn, oo ah in la helo nabad, amni, dawlad uun, heshiis, iyo wax kale oo aan ku jirin maanka Soomaalidii jabhadaha abuurtay, ama rayidka diiddaneyd. Si fudud, waxa wax laga soo bilaabay gunta iyo sagxadda hoose. Waxa la filayay in kor looga kaco, la horumaro, waxna lagu biiriyo oo laga wanaajiyo inta yar ee la haysto, laakiin intii yareydna godka ayaa lagu hubsaday. Intaa ka dib, muddo toban sannadood oo colaado, qax, rafaad, dhac iyo boob iyo baaba’ oo dhammi uu Soomaalidii Jamhuuriyadda saameeyay, ayaa si niyadjab iyo yididiilaba leh la iskugu yimid Jabbuuti (Carta). Waxa la soo yabyabay oo la soo dhisay wax uun heshiis lagu yahay, oo la rabo in lagu gaadho halka la doonahayo. Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa madaxweyne noqday, Cabdullaahi Yuusuf ayaa ku xigay, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kala wareegay, Xasan Sheekh Maxamuud baa kala wareegay, iyo hadda oo uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo joogo. Dad kalena jidka ayay ku soo jiraan, kuwaas oo raba kursigaas in ay ku fadhiistaan.

Haddaba, su’aasha mudan in la iswayddiiyo waxa ay tahay maxaa madaxdaas hore ay ugu fashilmeen gaadhidda iyo ka dhabaynta yoolkii la rabay, shacab ahaan iyo shakhsi ahaan isaga madaxweynaha ahiba? Waa run in aanay bariis miisaynin madaxdaas hore oo ay shaqeynayeen, waxqabad muuqda iyo mid qarsoonba ku tallaabsadeen, halkaasna wax soo gaadhsiiyeen. Laakiin, haddana ma ku filantahay intani oo ma tahay intii laga sugayay ama uu isaguba ballanqaaday, tahayna wax uu qaban karayay haddii uusan hagranin? Se dhibaatooyinkaas kala duwan ee aynu qarni badhkiis ku jirno, maxaa sababay? Halkee ayay wax ka khaldanyihiin? Maxaa ay isu waafaqi la’yihiin rabitaanka gudaha ee muwaadiniinta ka dhex guuxaya iyo shakhsiga madaxda ah ee kursiga imanaya? Is-waafaqid la’aantaas baa loo yaqaan “Hoggaanxumo, Hoggaan la’aan – Lack of Leadership, Failed Leadership, etc”. Waa dhibaato xididkeeda iyo gunteedu ku ururayaan hoggaan la’aan haysata waddanka. Ma aha hoggaan kasta, oo waddanku cid hoggaan u qabata ma waayin, laakiin waa in uusan helin hoggaankii ku habboonaa ee dubbaha ku dhufan lahaa halka sartu ka qudhunsantahay?

  1. Qorshe iyo Fahan La’aanta

Waxa aad u baahsan oo ka jirta bulshada Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan kooxda siyaasiyiinta ah ee kursi-doonka ah, in ay yihiin dad aad u wacyi u hoooseeya, keliya waxa u muuqda kursi, qabiilkiisuna kaga filanyahay in uu saaro. Wacyi la’aantaas ballaadhan baa horseedday in siyaasiga Soomaaliga ahi uusan kaba fekerin wax “Qorshe” iyo “Fahan” la yidhaa oo la xidhiidha dadka iyo waddanka uu kursiga ugu sarreeya ka doonayo. Fahan aad u badan oo gundheer kaas oo isugu jira bulshada (Social) iyo dawladda ama Qaranka (State/Nation), haddaanad haynin marnaba ma jirayo qorshe aad yeelan kartaa. Qofku kolka uu fahansanyahay, ogaal buuxana u leeyahay shaley, maanta iyo berriba sida xaal yahay, ayaa uu qorshe ka yeelan karaa shaley wixii khaldanaa, maanta waxa khaldan iyo waxa berri ay doonahayso bulshadu. Siyaasiga aan garanaynin taariikhda waddanka, sooyaalkiisa siyaasadeed, burburkii iyo waxa shaley godka ka tuuray qarannimadii Soomaaliya, colaadihii, dib-u-heshiisiintii, iyo gebi ahaanba xaaladda dhaqan-dhaqaale ee sida aadka u ballaadhan isu beddeshay, runtii mana garan karo halka uu wax ka bilaabi doono kolka uu kursiga ku fadhiisto. Muddadaas afarta sannadood ah ee uu joogo gebi ahaanba wax kasta waa uu kharriibaa, oo madaxa ayaa uu isu wada geliyaa, deedna waa uu ka dhaqaajiyaa. Kooda ugu liita waa midka isku deya in uu dhaqaalihii beesha caalamka iyo kii dalku lahaaba, ciidanka socod-baradka ah iyo sharciyadda dawladeed uga faa’iidaysta in uu mar labaad isku sharraxo oo soo baxo.

 

  1. Jiritaan La’aanta Indheergaradnimada Siyaasadeed

In kasta oo bulshada Soomaalidu aysanba si dhab ah u lahayn indheergarad bulsheed, kolka laga tago abwaannada oo ah iyagu cidda keli ah ee innoogu jirta kaalinta ‘Indheergarad”. Dadka barta waxbarashada casriga ee jaadadka kala duwan ah, weli waa ay ku fashilanyihiin abuuridda indheergarad bulsheed oo casri ah. Si kalena waa la odhan karaa, oo suugaanta iyo hal-abuurnimadu waa wax soo jireen ah, kolka la joogo bulshadeenna, taas baa keentay in laga soo dhambalo oo la helo indheergarad suureyn kara oo farta aqoonta ku fiiqi kara halka sartu ka qudhunsantahay, laakiin aqoontan casriga ah waa innagu dool oo waa wax ku cusub bulshada Soomaalida. Aqoontii Soomaalidu lahayd, diinta iyo nolol-maalmeedkooda ku jaango’an dhaqanka iyo deegaanka wax kooban baa u raaci jirey, oo xeeblaydu ugu il roonayd. Lixdanka sannadood ee Soomaalidu kansho u heshay la dhaqanka dunida kale si toos ah, iyo in laga faa’iidaysto waxbarashada ummadaha kale, haddana weli ma hayno siyaasi aqoon iyo waaya’aragnimo u leh dawladnimada casriga ah iyo maamulka dimuqraadiga ah ee dawladaha lagu dhiso, innaguna hadda aynu ku hawlanahay dhismihiisa. Siyaasiga Soomaaliga ahi waxa uu u badanyahay ganacsade hore, oday dhaqameed, qabqable iyo jabhad, xataa kooda waxbarashada kansho u helay ma uu baranin wax la xidhiidha dawlad, sida qaanuunka, xidhiidhka dibadda, dhaqaalaha, siyaasadda, maamulka dawliga ah. Waxa ay u badanyihiin dhakhaatiir, ganacsi, diin, injineerin, ciidan iyo askarnimo, beeraha, warbaahinta, iwm. Aqoon la’aanta seeska u ah siyaasaddana, waxa u sii raacay in aannu qofkuba isku lurin helidda waaya’aragnimo iyo aqoon toos ah ama dadban oo la xidhiidha siyaasadda iyo dawladnimada, muhiimba uma arko. Wax lagu dhasho ayaynu siyaasadda u haysannaa, oo aan aqoon iyo waaya’aranimo u baahnayn.

Sidaa darteed in la helo siyaasi aqoon u leh dawladnimada, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, bulshada iyo wax kasta oo la xidhiidha qarannimada, waa waxa aynu ugu yeedhayno siyaasi ka dhex tilmaaman siyaasiyiinta kale, loona garan ogyahay “Indheergarad siyaasadeed”. Kaas oo dhacdooyinka lafagur aqooneed ku sameyn kara, kala basrin kara caqabaha dawladeed, siyaasadeed, nabadeed, amni, dhaqaaleed iyo bulsheedba.

  1. Kala Horraysiinta Mudnaanta

Soomaaliya, ka dib shirkii Carta ee Jabbuuti waxa gebi ahaanba in muddo ah dhexdeenna ku lunsanaa, oo aan la garanaynin meel uu jaan iyo cidhibba dhigay, waxa la yidhaa “Mudnaan – Priority”. Baahida Soomaaliya ee hadda ma nabad iyo amni baa mise waa tiyaatar iyo wasaarad la qurxiyo?! Hadda waxa maqan waa seeskii hoose, shardiga guri la dhisayana waxa kow ka ah in seeska laga soo dhiso ugu horreynta. Qofka raba in uu guri dhismihiis ka bilaabo saqafka iyo jiingadda sare, ama albaabada iyo daaqadaha/dariishadaha, waa qof laf cad toobin ku haya. Waxa middan la mid ah siyaasiga Soomaaliga ah ee raba in uu Soomaaliya yagleelkeeda ka bilaabo tiyaatar, jidad iyo xafiisyo. Dawladdu kolka ay burburto, ama dawladda dhisanba waxa lamahuraan ah in la fiiriyo baahida mudnaanta, laakiin dhibtu waxa ay ka imanaysaa kolka siyaasigeennu u fekero sidii ‘Mahdi’ uu Eebbe soo diray oo uu rabo in uu wax walba isagu qabto. Waxba kama tago ee meel walba in uu faraha la galo oo berri la yidhaa adigaa waxaas noo qabtay, ayuu doonayaa. Xaasidnimo iyo fariidnimo midda ay ka tahayba, ma aha dhaqan u wanaagsan dawladnimada, gaar ahaan Soomaaliya. Mana wada qaban karo wax kasta oo waa qof riyoonaya, laga yaabaa in uu xaaladda sii xumeeyo oo uga daraba.

Waxa ay dawladnimada Soomaaliya doonaysaa siyaasi kala garanaya mudnaanta, oo kanshooyinka ama fursadaha hortiisa yaalla aan ku dayacin kuwo aan waxtar badan lahayn, ama aan loo baahnayn. Dhiigga Soomaaliyeed ee Xamar ku qulqulaya, mudnaantiisu waa joojin iyo amni ee ma aha guryo la dhisto, siyaasi dherga, xafiis la qurxiyo, warbaahin iwm. Aragti ahaan, mudnaanta aan Soomaaliya u arko hadda waxa ay tahay siddeedan qodob ee hoose: 1) In nabad la dhiso, 2) In ciidan Qaran la dhiso oo talada kala wareega ciidamada AMISOM, 3) In hay’adaha dawladeed la dhiso oo la horumariyo, 4) In dib-u-heshiisiin la sameeyo oo la soo celiyo kalsoonida iyo is-aaminaadda burburtay ee Soomaalida, 5) In la mideeyo madaxbannaanida iyo sharciyadda ay haystaan dawlad-goboleedyadu, 6) In arrinta Soomaalilaan si dhab ah loo waajaho, oo la fasaxo ama wax cad oo sharci ah lagu heshiiyo, 7) In dastuurka dalka la dhammeystiro, lagana saaro ku-meelgaadhka, 8] In la wada ilaaliyo oo la xoojiyo dimuqraadiyadda iyo is-doorashada. Siddeedaas qodob, waxa aan qabaa in mudnaantoodu ay tahay 70% ama 80% shaqada dawladda hadda jirta, ayna tahay waxa mudan in waqti, dedaal iyo aqoon dheeri ahba lagu bixiyo sidii loo gaadhi lahaa. Laakiin akhriste bal qiimee oo siyaasiyiinta Soomaalidu ma u dhacsanyihiin arrimahan? Waa ay adagtahay waaqican hadda lagu jiro in la helo, ama ay siyaasiyiinta kuraasta kala boobaysa mudnaantan kala basrinteeda iyo kala horumarinteeda ay waqti ku bixiyaan. Laakiin, waa seeskii qarannimada Soomaaliya. Soomaaliya xafiisyo, qurux iyo jidad way u baahantahay, hadda se ma aha.

  1. Qurbaajogta iyo Faragelinta Shisheeyaha

Shirkii Carta ka dib waxa Soomaaliya aad ugu soo qulqulay qurbajoog badan oo qaarkood ay dalka ka carareen waagii siddeetanaadkii iyo sagaashanaadkii, iyaga oo xilal sare ka raba dawladda la dhisay. Si gaar ah weliba, xilligii Dawladdii Ku-Meelgaadhka ahayd ee ka dib Cabdiqaasin Salaad Xasan, ayaa ay aad u yimaaddeen. Qurbajoogtaasi waxtar iyo waxyeellaba waa ay lahaayeen, ilaa haddana waa ay soo socdaan oo joogaan Soomaaliya. Qurbajoogtu dheef ahaan Soomaalidu wax badan baa ay ka faa’iidaa oo kala duwan, sida: aqoon badan oo ay ka soo kasbadeen waddamadii iyo dunidii horumartay ee ay ku noolaayeen, wacyi ballaadhan oo dhanka dawladnimada iyo dimuqraadiyadda ah, xagjirnimada iyo afkaarta khaldan ee dalkii lagu faafiyay badankood waa ay ka badbaadeen, laakiin taa beddelkeeda waxyeello xooggan oo aan yareyn, muuqatana ayaa ay dalka iyo dadkaba u gaysteen. Waxaa ka mid ah, in ay yihiin dad ay ku soo dhex dhuuntaan dawladaha ajendayaasha iyo siyaasadda gaarka ah ka leh Soomaaliya, yaanay wada noqonba laakiin qaarkood kolka laga tago hanka ku jira, waxa u labeeya u adeegidda shisheeyaha oo ay taa beddelkeeda kaga gutaan in dhaqaale iyo siyaasad lagu taageero, si uu kursiga u helo.

Waxaana caddaatay in siyaasiyiinta qurbajoogta qaarkood ay la kala safanayaan waddamada isku dul haysta Soomaaliya, sida Carabta oo kale in lala kala safto Qadar iyo Imaaraadka, in Atoobbiya iyo Kiiniya loo kala dheereeyo, in Sucuudiga iyo Qadar loo kala dheereeyo, in isbahaysiga Turkiga ama Ruushka iyo Galbeedka ama Maraykanka la kala boobo, iwm. Deedna, kolkaas siyaasaddii Soomaaliya waxa ay isu beddeshay meel lagu hardamo, xaabada lagu karinayo xiisaddana ay noqdaan qurbajoogta kursi-doonka ahi. Gebi ahaana ilaa hadda waa la la’yahay siyaasi mowqif ka leh Soomaaliya oo raba in uu sidaana wax yeelo sidaa kale wax dhaho, oo ujeedkiisu daaranyahay hagaajinta iyo dhismaha Soomaaliya. Badidood waxa u miisaan iyo siyaasad-qorsheed u ah danaha shisheeyuhu ka leeyahay dalkooda, halka laga tagayo iyo kobta loo hayaamayana isaga ayaa dejiya, iyaguna beddel aan naf badan lahayn ayay ku fuliyaan arrinkaas.

Intaas waxa u raaca in qurbajoogtu yihiin dad aan wax fahan iyo wacyi ah ka haysan dalka Soomaaliya iyo xaaladda uu ku suganyahay. Wacyigooda gudeed aad buu u liitaa, oo waa sidii qof ajnebi ah oo dalka ku marti ah ama soo booqday. Waana caqabadda ugu weyn ee ay ka wada simanyihiin badidood. Siyaasi uu waddankaba ugu dambeeyay 1980-naadkii oo nabad ah, dawladdii Kacaanku jirto ama se 70-naadkii qurbaha danjire ka ahaa, lagama yaabo in uu dhab ahaan dareemo dhibta kala gaadhay Soomaalida iyo xaalkooda, waxa ugu badan ee uu ka ogaan karaa waa raadiyayaasha iyo warbaahinta qaarkeed, oo iyaduna xilligaas aad u hooseysay. Ka ugu rooni waa midka si joogta ah ama goosgoos ah u yimid Soomaaliya xilliyadii sagaashanaadkii iyo ka dib. Laakiin midka si uu xil uun u helo u soo kabaxidhay, muddo ayay ku qaadanaysaa in uu kala fahmo wax badan oo isku cakiran. Sideedaba, siyaasadda iyo dawladnimadu waxa ay ku habboontahay in loo igmado ama loo dooro shakhsi waqtigiisa iyo cimrigiisa geliyay oo ku hawlanaa barashadeeda, shaqeynteeda iyo xallinteedaba. Qofka badi noloshiisa ku qaatay kaalin aan siyaasadda ahayn, waxa u wanaagsan in uu kaalintaas ku dhammeysto, hadduu se dhexda kaga soo boodo siyaasadda waa sidii ilmo afbaranaya oo kale.

  1. Isbeddelka Sawir-Maskaxeedka Siyaasiga

Haddii aynu hore u soo tilmaannay in siyaasiga Soomaaliga ee qurbajoogga ah uu wacyigiisa gudaha dalku liito, wax badanna u baxsanayn, isla isaga qurbajoogga ah iyo siyaasiga qolqoljoogga ahba waxa ay ka wada simanyihiin sawir-maskaxeed ay maanka ku haystaan ka hor inta aanay siyaasadda soo gelin, ama aanay kursi qabanin ha ahaado kursi sare, dhexe ama hooseba. Sawirka quruxda badan ee maskaxdiisa ku jira ma aha mid waafaqaya waaqica yaalla Villa-da iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan. Ballanqaadyo fara badan baa uu sameynayaa oo aan xataa baahiba dadku u qabin, waxa uu muujinayaa wax aan looga baran, sida xaal yahay indha ayuu ka dedanayaa si uu shacabka bukaanka ah xummadda uga jebiyo, se aannu xal u keenin. Waxaas oo dhammi waa ay beenoobayaan kolka uu kursiga tago. Shacabkii uu jibbaysnaa waxa ay moodayaan kolkaas in uu isbeddelay, in uu khiyaanoole yahay, in uu beenaale yahay, iwm.

Wax dhisiddu aad bay ugu adagtahay ugana kakantahay wax burburinta, sidaa darteed in kolka wax burburaan waaqica aad loola saaxiibbo, oo lagu lammaanaado waa mid lamahuraan ah. Soomaaliya waa waddan burburay, in awoodihii, kala danbeyntii iyo dawladnimadii lagu soo celiyo habkii loo baahnaa, oo la isu wada keeno sabir iyo isku-wad aad u badan baa ay u baahanaysaa. Qorshaha uu siyaasigu (Theory) ahaan u qorsheystay ee faylasha ugu qoran, jeebkana uga buuxa wax kooban baa kursiga ku rumoobaya uun, inta kale waaqica ayaa cunaya. Isla qoddobkani waxa uu xidhiidh la leeyahay waaqicnimada, xogogaalnimada qofka iyo qorshihiisa siyaasadeed. Intaas oo isbiirsaday ayaa ay ka soo dhex baxayaan siyaasad iyo ajende lagu hagi karo waddanka Soomaaliya. Sidaa darteed, waxa siyaasiga u roon in uu yareysto sawir-maskaxeedka beenta ah, oo uu xaqiiqada qadhaadh ee hortiisa taalla uu la heshiiyo. Dhaqanka siyaasadeed waa ka xaaraan in siyaasigu u fekero sida fannaanka iyo abwaanka maskaxda wax ka qurxiya ee bulshaduna u wada riyaaqdo, waa in uu caqliga ka shaqeysiiyaa, afkana uu hadalka ka soo yeedhaya qurxiyaa.

  1. Hannaanka Qabiil-Doorasheedka

Arrimahaas oo dhan kolka laga soo tago qodobka ugu culus ee bulshada iyo siyaasiga si toos ah u wada taabanaya waa midka qabiilka wax lagu dooranayo. Hannaanka qabiil-doorasheedku waa midka ugu daran ee aan wax caqli ah (Logic) ku dhisnayn. Qof aad hayb uun wadaagtaan, oo hubnaanshaheeduba aan la caddeyn karin si boqolkiiba boqol ah, ayaa aad qasab ugu codaynaysaa oo sandulle kugu ah. Qabiilka oo la isku doorto kolna bulshada ayaa lagu tuuraa, kolna siyaasiga. Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in qabiilka siyaasadeysan cidda ugu badan ee ku shaqeysata ay tahay siyaasiyiinta, oo iyagu dadka u abaabula qabiillo hardamaya oo kale. Shacabku magaalo iyo gobolba waa wada joogaa, laakiin cidda u kala abtirinaysa ee gaar-gaarka ula kala shiraysa waa siyaasiinta. Caqabaddaas adag ee jirta ayaa wax badan kharribta oo ku saabsan siyaasaddeenna. Shakhsigii mudnaa in la doorto ee ku habboonaa hoggaaminta Soomaaliya, waxa uu la’yahay fursad uu qabiilkiisu siyaasadda ugu wakiisho, ama ku kale oo qabyaaladda kaga fog isaga ayaa laga doorbidayaa. Dad badan oo garaad furnaan iyo ogaal u saaxiib ahi waxa ay masraxa siyaasadda u iman waayeen waa dabarkaas qabiilka ee hortaagan.

Xataa qabiilku siyaasaddii waxa uu ka dhigay mid loo kala fadhiyo ardaa-ardaa iyo koox koox, taas oo haddii siyaasadda aad ku biirto ay qasab tahay in aad ka mid noqoto kooxda qabiilkaaga. Badanaa qof kasta oo aan kooxdaas reerkiisa ku jirin waxa uu noqdaa saqiir siyaasadeed, oo kooxaha is hardinaya wuu ku dhex lumaa ama tolkii baa loo adeegsadaa oo lagu garaacaa, danahoodana lagaga dhammeystaa. Taas oo ugu danbeyn keenta in uu waayo kalsoonidii qabiilkiisa, loona arko siyaasi aan wax metelaad iyo hiil ah ka haysanin dadkiisa. Sidaa darteed, dad badan oo Soomaaliyeed oo kuwo badan oo maanta jooga kaga habboonaa, waxa ay isu qarinayaan ama uga dhawrsanayaan siyaasadda si aan shaadhkoodu uga wasakhoobin. Laakiin, ma tahay marmarsiyo iyo cudurdaar si wasakhada looga dhawrsado in gebi ahaanba faraha lagala baxo mustaqbalka waddankaaga oo si toos ah kuu saameynaya?!

Gunaanad

Ugu dambeyn Soomaaliya waxa ay muddo labaatan sannadood ah (2000) iyo afartan sannadood oo ka horreeyayba la daaladhacaysaa mushkilad weyn oo ah hoggaanxumo iyo hoggaanla’aan. Ilaa haddana ma muuqdo ifafaale hoggaamineed oo laga dheehan karo siyaasiyiinta masraxa ku loollamaysa, ama kuwa xukuumadaha hadda jira iyo kuwii horeba. Hoggaan la’aantuna ma aha wax Soomaaliya keligeed ku kooban, waa wax dunida badankeed kuwa guulaystay ay soo mareen, kuwa badanna ay hadda dhibaatadan la daaladhacayaan oo maarayn garan la’yihiin. Waxa aan aragti ahaan iyo talo ahaanba soo jeedin lahaa, dhawr xal oo arrintan lagu tijaabin karo si aynu uga baxno caqabadda hoggaanxumada. Midi waa in qodobada hore ee aan ka soo hadlay lagu dedaalo sidii loo xaqiijin lahaa, ilaa kuwaas kore aynu iska soo saxno oo toosinno mooyee, kama gudbi karno. Waa ta kale e, in la helo koox siyaasadeed oo aan ujeedkoodu ahayn in qabiil gaar ah la xoojiyo, balse ujeedkoodu yahay hagaajinta Soomaaliya iyo qarannimadeeda.

Kooxdaas oo caqabaddii qabiilkana meel saari karta oo kala duwan, diyaarinna karta hoggaamiyayaal dibadda ah iyo dhexdoodaba oo talada waddanka lagu aamino. Arrinta saddexaadi waxa ay tahay in la baadigoobo kaalintii indheergaradka Soomaaliyeed ee casriga ah uu ku yeelan lahaa Soomaaliya, oo aqoonta iyo waaya’aragnimada uu ugu beddeli lahaa mid wax ka tarta dhibaatooyinka Soomaalida, jaadka ay doonaan ha noqdeen e, oo aysan noqonin wax caloosha uun lagu buuxsado, buugaagtana ku xardhan. Guntii iyo gunaanadkii, in bulshada waddanka leh ee xukunkeeda loo wada ordayo ay yeelato doonis iyo rabitaan, oo ay noqoto ummad wacyi leh oo siyaasiga la xisaabtami karta, bulshadaasna waxa ugu horreeya ururrada rayidka, warbaahinta, jaamacadaha, mac-hadyada, bahda dhaqanka, iwm.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: barawaani@yahoo.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US