CUTUBKA LABAAD.

DADKA SOOMAALIYEED.

HORDHAC

Cutubkii hore waxa aynu uga soo sheekaynay aqoontii uu caalimkii qadiimka ahaa uu u lahaa dhulka Soomaalida. Waxa aynu soo xusnay xiriirkii ay xaddaaradihii qadiimka ahaa la lahaayeen dhulkaan, innaga oo tilmaan ka bixinay qaabkii uu dhulkii Soomaalidu xilli kasta ahaa.

Waxa aynu soo sheegnay wixii ay qoraayadii hore ee Giriigga, Roomaanka iyo Carabtiiba ay dhulkaan ka qoreen, magacyadii ay qola waliba xilligeeda u taqaanay dhulka Soomaalida, tilmaamihii ay ka bixiyeen magaalooyinkii ay xuseen iyo dadkii dagganaaba ayaynu iyana soo sheegnay.

Intaas ka bacdi, waxa aynu cutubkaan ku falanqayn doonaa, bal nooca ay ahaayeen dadkii xilligaas dhulka dagganaa ee wax laga qorayey. Ma askumkii hore ee Soomaalida maanta iyo ab-awalladoodii hore ayaa gayiga dagganaa? Mise waa ummad kale dadka dhulkaan dagganaa ee qoraaladii aynu soo sheegnay ku xusan? Awoowayaashii hore ee Soomaalida maanta, ma muhaajiriin carbeed bay ahaayeen, sida in badan oo ka mida Soomaalidu ku dooddo? Haddii ay sidaas tahay, kuwee ayay ahaayeen dadkii asalka ahaa ee dhulka loogu yimid? Dadkii dhulka dagganaa cidday doonaanba ha ahaadeene (muhaajiriin amaba asal) xaggee ayay markoodii hore ka yimaadeen?

Jawaabaha su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaynu cutubkaan ku qaadaa dhigi doonaa haddii uu Alle idmo.

Dhawr qaab oo loo maro cirqi baarista

Sideedaba markii dad cirqigooda la baadi goobayo waxaa loo maraa dhawr dariiq oo kala gaddisan. Dariiqyadaas in la wada isticmaalo ama qaar uun lagu kaaftoomo, waxa ay ku xirantahay dhigaalka ay bulshada la baadi goobayaa leedahay, qaabka ay u dhisantahay iyo xogta laga hayo sooyaalkeedii hore.

Waxaa jira saddex dariiq oo markii bulsho la doonayo in wax laga ogaado la adeegsado. Dariiqa koobaad, waa in la uruuriyo oo daraasad lagu sameeyo bulshadaas waxa u qoran haddii ay bulshadu tahay mid dhigaal lahayd. Haddii ay bulshadu tahay mid aan dhigaal soo jireena lahayn sida Soomaalida oo kale, waxaa la eegaa wixii ay ka qoreen dadyawgii kale ee bulshadaas la macaamilay amaba la kulmay. Waxaa kale oo isla qaybtaan lagu kabaa sheeko xariirooyinka ay bulshadaasi leedahay, si ay u baritaarto xogaha kale ee la hayo.

Dariiqa labaad, ee bulsho la rabo in wax laga ogaado lagu baaro waxaa weeye, in bulshadaas aasaarteedii hore dagal-baaris lagu sameeyo. si loo helo xog wax ku oola. Meelaha dagal-baarista lagu sameeyo waxaa ka mida: dhisnayaasha qadiimka ah ee wali taagan, qabuurihii hore iyo burburka deegaannadii hore.

Dariiqa Sadexaad, haddii laban dariiq ee hore ay natiijo wanaagsan keeni waayaan, waxaa xoogga la saaraa dariiq saddexaad oo ah in daraasad gun dheer lagu sameeyo afka iyo dhaqanka ay bulshadaasi leedahay.

Sida kuu muuqataba, saddexdaan dariiq, waa saddex dariiq oo ku aroora saddex cilmi oo kala gaddisan, oo ay kala adeegsadaan saddex culimo oo kala gaddisan. Dariiqa koobaad waxa uu ku arooraa cilmiga taariikhda. Kan labaadna waxa uu ku arooraa cilmiga dagal-baarista (archaeology). Kan saddexaadna waa cimiga bulshada. Haddii aad arogto ummad xog wanaagsan laga hayo, waa in aad ogaataa in maxsuulka ka soo baxay culuumtaan ay saldhig xogtaas u tahay.

Inkasta oo dadkeennu aysan lahaan jirin dhigaal soo jireena, haddana saddexdaan dariiq culimadoodu waxa ay dalkeena ka yiraahdeen ayaynu adeegsan doonnaa oo aynu qoraalkaan saldhig uga dhigi doonnaa.

XAGGEE SOOMAALIDU KA SOO JEEDDAA?

Inta aynaan u guda galin jawaabta su’aashaan, oo ah midda asalka u ah qormadaan iyo kuwa kale oo ka dambayn doonaba, waxaa lagama maarmaan ah in aynu ogaanno in marka laga hadlayo cirqiga Soomaalida iyo meesha uu ka soo jeedaba ay jiraan labo aragtiyood oo ay kala qabaan culimada ku takhasustay Soomaalida iyo taariikhdeeda.

Arigtida koobaad, waxa ay oranaysaa in Soomaalidu ay yihiin muhaajiriin ka soo hayaamay Jazeeradda Carabta, ka bacdina durkiyey oo sii riixay muhaajiriin kale oo ay isku hayb sare yihiin oo dhulka uga soo horreeyey, illaa ay ka gaareen waqooyiga bari ee Kenya. Arigtidaas waxaa qaba cilmi-baarayaal ay ugu wayn yihiin I.M Lewis iyo Enerco Cerulli oo ah laba caalim oo Soomaalida iyo taariikhdeedaba juhdi badan galiyey.

Xujada ugu wayn ee ay raggaan daliishanayaan ayaa ah durkinta ay Soomaalidu durkisay Gallaha ama Oromada oo ay aaminsanyihiin in ay Soomaalida dhulka uga soo horeeyeen. Waxa ay raggaan la tahay maadaama Oromadu dhulka uga soo horaysay in Soomaalidu ay ka yimaadeen dhanka badda carbeed. Waxa kale oo ay aragtidaan u daliishadaan sheeko xariirooyinka Soomaalida oo ay ka buuxda dagaalo dhex maray ab-awalladii hore ee Soomaalida iyo Gallaha, oo ah dadka ay Soomaalidu gaalo madowda u taqaanay.

Goobaha la aamminsanyahay in Soomaalida iyo Gallaha dagaal ku dhexmaray ayaa waxaa ka mida Gaalkacyo oo uu I.M. lewis qabo in ay ahayd goob ay Soomaalidu Gallaha ka kicisay qarnigii 13aad. Qabiil Soomaaliyeed oo ka mida kuwa gobolka Mudug daga oo la yiraahdo Gaalo-Eri ayaa ka mida xujooyinka loo adeegsado jiritaanka dagaalkii Gallaha lagu eryey.

Waxaa kale oo xujooyinka raggaan ka mida sheegashada iyo ku aroorinta ay inta badan qabaa’isha Soomaaliyeed awoowayaashoodii hore ku arooriyaan odayaal Carbeed, gaar ahaan reerkii uu Nabigu ka dhashay ee reer Banuu Haashim.

Arigtida labaad, ayaa oranaysa in ay Soomaalidu tahay asal ka mida qoomamka Kushiitigga oo dagaankoodii hore ahaa intii aysan kala guurin, dhulka koonfur bari uga toosan dhulka joogga sare ee Ethiopia, ama dagaanka u dhaxeeya Lake Abay iyo Lake Turkana. Raggaani waxa ay qabaan in Soomaalida iyo Kushiitigga bari ee kale ee ay ka midyihiin Reendiinlaha iyo Boonidu ba ay xilligaan kala guurka oo ku aadan labo kun oo sano ka hor u soo hayaameen dhanka bari. Illaa Soomaalidu ka soo gaartay cirifka bari ee dhulka Soomaalida.

Raggaani waxa ay qabaan in Gallaha oo qoomamka kushiitiga ka mid ahi, uu hayaankoodu ahaa mid ka dambeeyay hayaanka Soomaalida, oo ay xilli dambe iyagu dhan walba u hayaameen. Halka Canfarta iyo Saahaha oo isla Kushiitigaka mid ahi ay dhanka waqooyi u hayaameen. Sidoo kale waxa ay xuseen hayaanka dambe ee ay Soomaalidu ugu noqotay dhanka halkii ay markii hore ka yimaadeen ee ay Gallaha ku durkiyeen uu yahay hayaan dambe oo ka soo bilaabanaya markii ay Soomaalidu diinta islaamka qaadatay. Waana hayaankaas midka ay ragga hore ku khaldameen ayay qabaan.

Xujada ugu wayn ee raggaani u daliishadaan in dhulkii hore ee ay Soomaalidu markii hore ka soo hayaantay uu ahaa dhanka koonfurta ayaa ah cilmi-afeedka. Waxa ay ku ogaadeen daraasad ay ku sameeyeen afafka Kushiitigga Bari (Soomaalida, Rendinlaha iyo Bonida) in afafkaani ay hal af isku ahaayeen intii aysan dadkii ku hadli jirey aanay kala guurin. Afka Soomaaliga waxa ay aad isugu dhowyihiin midka Rendinlaha waxayse isaga sii dhowyihiin midka Boonida oo dagaan ahaan Soomaalida u xiga. Waxaa kale oo ay xusaan in Bayso oo ah kushiitiggii ku haray dhulkii ay Ab-awalladii hore ee Soomaalida iyo bahwadaagtoodu markii hore ka soo hayaameen ay aad u shabahaan afka Soomaaliga.

Dr. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah caalim Soomaaliyeed oo ku xeeldheer cilmi-afeedka iyo dhaqanka Soomaalidaba ayaan isagu duuduub u qabin labadaan arigtiyood midkoodna. Dr. Mansuur oo sameeyey daraasad aad u wanaagsan oo ku saabsan dhaqanka iyo afka Soomaalida, ayaa qaba in awoowayaashii hore ee reer Kuush oo ah dadka ay Soomaalidu ka soo jeeddo ay xilli ku beegan toban kun oo sano ka hor ka soo hayaameen dhulkii loo aqoon jirey Mesapotamia oo ah Ciraaqda maanta.

Waxa uu qabaa in ay hayaankaan ku soo mareen Siiriya, ka bacdina ay ka soo tillaabeen Siinay oo ay sidaas Masar oo ay muddo ku nagaadeen u yimaadeen. Ka bacdina reer Kuush waxa ay isku ballaariyeen dhulka u dhaxeeye koonfurta Masar illaa geeska Afrika. Si la mida qolyihii dambe oo kale, ayaa Dr. Mansuur waxa uu daliishanayaa cilmi-afeedka. Isaga oo keenaya xiriir fac wayn oo ka dhaxeeya afafka Kushiitiga iyo afafkii looga hadli jirey dhulkii ay ka soo hayaameen reer Xaam, gaar ahaan afafkii Summerianka iyo Akedianka.

La soco qaybta 9aad.

Mohamed Ahmed Elmi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US