XILLIGII MOSEPETANIANKA IYO FARAACIINTA

In kasta oo markii ugu horaysay oo magaca Soomaali oo qoran la arko ay ahayd bilowgii qarnigii 15aad, markii uu boqorkii Xabshidu Nugus Yashaq ka guulaystay dawladdii muslimiinta ee Ifaat, oo uu qabsaday magaalada Zaylac kuna dilay suldaankii dawladda Ifaat Suladaan Sacadudiin, haddana dhulka Soomaalidu dagto kumannaan sano ayaa la yaqaanay oo uu caalamkii qadiimka ahaa xiriir ganacsi iyo mid dhaqanba la lahaa.

Sida uu qabo Dr Ali Abdirahman oo ah qoraagga buugga ‘The Arab Factor in the Somali History’ markii ugu horaysay ee dhulka soomaalida amase goob u ag mandiqadda geeska afrika qoraal lagu xuso ayaa ahayd saddex kun oo sano dhalashadii Nabi Ciise ka hor. Qoraalkaas amaba xuskaas ayaa laga helay taariikhdii hore ee Summerianka oo u yaqaanay dhulkaas dhulkii dadka madow ee Meluha. Xusiddaas oo kaliya ma ahayne dhulkaasi waxa uu xiriir dhaqan-dhaqaale markaas la lahaa dhulwaynihii Mosepetania ee ay Summerianku xukumayeen.

Shan boqol oo sano ka bacdi xilligii aynu soo sheegnay, kuna beegan 4500 oo sano ka hor xilliga aynu imminka joogno, waxaa markii ugu horaysay dhulka Punt oo loo badinayo in uu yahay geeska Afrika, gaar ahaan mandiqadda soomaaliyeed ee maanta loo yaqaan Puntland, lagu xusay taariikhda boqortooyadii qadiimka ahayd ee Faraaciinta. Xog ka sheekaynaysa safar uu xilligaa diray boqorkii faraaciinta Sahure oo ka soo noqday dhulka Punt ayaa ku xardhan dhagaxa Palermo.

Wixii xilligaas ka dambeeyey illaa laga soo gaarayey dhicistii dawladdii Faraaciinta, waxaa jirey xiriir ganacsi oo ballaaran oo ka dhaxeeyey labada dhul. Xiriirkaas waxa uu hakad galay markii Hyksoskii ka soo duulay dhanka waqooyi ay Masar qabsadeen, kana talinayeen in ka badan labo boqol oo sano. Mudadaas ayaan wax xiriira dhex marin reer Punt iyo Faraaciintii jaalka la ahaa.

Laakiin xiriirkaas ayaa dib u bilowday meesha ugu saraysana gaaray inta la ogyahay xilligii boqoraddii Hatshepsut ay ka talinaysay dalka Masar. Xilligaasi waxa uu ku beegan 3500 oo sano ka hor taariikhda aynu joogno. Hatshepsut waxa ay dhulka Punt u dirtay shan markab oo laga buuxiyey wax walba oo looga baahnaa dhulka Punt, si loogaga baddasho badeecadaha ay reer Punt caanka ku ahaayeen.

Reer Punt oo aad ugu farxay dib u bilaabashada xiriirkii kala dhaxayn jirey reer Masar, ayaa badmareenadii waydiiyey waxa hakiyey muddada dheer xiriirkii ganacsi ee ay reer Punt la lahaan jireen. Tani waa halka laga ogaaday in xilligii Hikysosku Masar ka talinayeen uu xiriirkaan ganacsi hakaday, iyo in aysan reer Punt xog u hayn isbaddalka Masar ka dhacay.

Doomahaani waxa ay dib ugu soo noqdeen Masar iyaga oo xambaarsan agab laga keenay Punt oo ay ka mid ahaayeen Foox, Dahab, Ugaar, Dhir Tallaala iyo Addoonba. Safarkii Boqoradda, laga bilaabo ambabixiisii illaa soo noqoshadiisii waxa uu ku xardhanyahay darbiga ama taalada Faraaciinta ee Dayr Al-baxri oo u dhow magaaladii qadiimka ahayd ee Thebes.

Badmareenadii hoggaaminayay safarkaas ma aysan ahayn oo keliya kuwo ganacsi uun ku maahquulsan ee waxa ay sawir la xardhay ku soo gudbiyeen nooca dad ee ay la kulmeen, magaca Boqorkii reer Punt iyo Fadiisii iyo qaabkii ay u noolaayeen, gaar ahaan guryihii ay dhisan jireen oo u muuq eg Qaymadda ama aqal Soomaaliga ay Soomaalidu wali dhisato.

Saddex boqol oo sano Hatshepsut ka bacdi, xilligii boqor Ramsis III, ayaa isna dhulkii Punt u diray safar lixaaad leh. Qoraal safarkaas ka sheekaynaya waxaa lagu yiri “waxaa la dhisay doomo aad u waawayn oo laga buuxshay badeecad aan xad lahayn oo laga qaaday Masar. Badeecadaasi waxa ay gaartay dhulkii Punt iyada oo bad qabta, waxa ayna soo noqdeen iyaga oo bad qaba xushmadna loo hayay”.

Xiriikaani waa uu sii socday intii ay jirtay dawladdii faraaciintu. Safaradii loogu baxayay dhulkii ay Faraaciintu u taqaanay dhulkii Ilaahyada ama awoowayaashu marna isma dhimin maxaayeelay waxaa laga keeni jiray dhulkaas badeecaddii ugu qaalisanayd ee ay faraaciintu isticmaali jirtay oo ahayd udugga loo shido Macaabidda iyo aqalada boqorada iyo amiirada.

La soco qaybta labaad

Mohamed A. Elmi

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US