Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa hoos u dhigay xiisaha uu u qabo u dhaqaaqista saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Luis Suarez.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ayaa si fiican ku bilowday noloshiisa Atletico Madrid isaga oo 16 gool u dhaliyay horyaalka La Liga.

Kooxda Atletico Madrid ayaa la ciyaari doonta Chelsea Kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Inkasta oo uu Thomas Tuchel qirtay in uu xiisaynayo xiddigii hore ee Barcelona Suarez hadana waxa uu hoos u sheegay in uuna xiiso u qabin saxiixa xiddiga 34 jirka ah.

“Waxa jirtay suurtagalnimo, waxa aan maqlnay markii uu ka tagayay Barcelona, ma jirto cid aan xiiso u qabin saxiixa Suarez waana mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta”.

Markii Tuchel la waydiiyay in uu chelsea keeni doono xagaaga waxa uu ku jawaabay”Ma garanayo wakhti xaadirkan, waxa uu heshiis kula jiraa Atletico Madrid sidaas darteed kama fikirayo xitaa”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US