MUQDISHO(HALBEEG)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baaq ku aaddan ka soo qeybgalka shirka wadatashiga u dirtay hoggaamiyeyaasha maamullada Buntilaan iyo Jubbalaan.

Qoraal goor dhow ka soobaxay madaxtooyada ayaa lagaga dalbaday madaxda labada maamul ee ka maqan madasha in ay ku soo biiraan gogosha wadaxaajoodka arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021” ayaa lagu yiri qoraal madaxtooyada.

Dowladda ayaa sheegtay in ay muhim u aragto in dhammaan dhinacyadu ka qeyb qaataan dhamaystirka geeddi socodka doorashada dalka

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud”

Ugu dambeyn dowladda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay jiheynta doorashada iyo ka gun gaarista heshiiskii 17-kii September.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”.


Post Views:
28

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US