(London) 18 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay ku guuldarreysatay tartankii ay ugu jirtay saxiixa Erling Haaland, isla markaana ay haatan diiraddeeda u weecisay weeraryahan kale oo halis badan.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Chelsea ay mudnaanteeda koowaad ee suuqa ka dhigatay xiddiga reer Poland ee Robert Lewandowski kaddib markii ay ku guuldarreysatay sida warbixinta lagu sheegay inay la soo wareegto Haaland, waxaana ay ku doonaysaa Lewandowski 50 milyan oo gini.

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa haatan inay dalab ka gudbiso Robert Lewandowski oo la soo sheegayo inuu ka tagayo Kooxda Bayern Munich, sida ay qortay Jariiradda The Sun.

Lewandowski ayaa haatan ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee kooxda Blues kaddib markii ay ku guuldareysteen dadaalkii ay ugu jireen saxiixa Erling Haaland, waxaana la rajeynayaa in dalab ku kacaya 50 milyan oo gini ay ka dhaadhicin doonto Bayern si ay uga hesho 32-sano jirkaan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US