LONDON(HALBEEG)-Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa loo aqoonsaday magaalada ugu nolosha wanaagsan dunida.

Qiimeyntan oo ay sameysay hay’adda sahminta dhaqaalaha ee lo soo gaabiyo (EIU) ayaa waxaa lagu qiimeeyay 140 magaalo iyada oo si gaar ah loo eegayo arrimo ay ka mid yihiin xasiloonida, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.

Feyraska Korona ayaa noqday waxa go’aaminaya liiska snadkan iyo sida kaalimaha loo kala galay.

Waxaa hoos uga soo dhacay kaalmihii ay ku jireen magaalooyinka dalalkaYurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen oo kaalmaha hore ay soo galeen.

Dalalkaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen feyriska Corona iyaga oo sidoo kale awood u yeeshay inay yareeyaan kiisaska isla markaana ay dabciyaan xayiraadaha.

Magaalada Auckland ayaa kaalinta koobaad ka gashay magaaloyinka ugu noolasha wanaagsan, taasi oo loo aaneynayo qaabkii ay u wajahday cudurka Covid-19.

Osaka oo Japan ah ayaa gashay kaalinta labaad, halk aAdelaide oo Australia ah ay kaalinta sadaxaad soo gashay.

Magaaalada Wellington oo ku taal New Zealand iyo caasimada Japan ee Tokyo aya kaalmaha afaraad iyo shanaad soo galay.

Caasimada Austria ee Vienna waxay hogaamineysay liiska dhowr sano oo kaalinta kowaad geli jirtay ayaa hadda 12 aad gashay , waxayna kal hore kaalmaha hore wada gali jireen magaalada Melbourne.

Liiska tobanka magaalo ee ugu noolasha wanaagsan dunida:

Auckland, New Zealand

Osaka, Japan

Adelaide, Australia

Wellington, New Zealand

Tokyo, Japan

Perth, Australia

Zurich, Switzerland

Geneva, Switzerland

Melbourne, Australia

Brisbane, Australia

Liiska tobanka magaalo ee ugu noolasha xun dunida:

Damascus, Syria

Lagos, Nigeria

Port Moresby, PNG

Dhaka, Bangladesh

Algiers, Algeria

Tripoli, Libya

Karachi, Pakistan

Harare, Zimbabwe

Douala, Cameroon

Caracas, Venezuela

The post Waa Kuwee Magaalooyinka Ugu Nolosha Wacan Dunida? appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US