Daafaca kooxda Arsenal ee David Luiz ayaa gabi ahaan seegay kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Leeds United kana tirsan horyaalka premier League.

Tababare Mikel Arteta ayaa soo saaray shaxda Gunners ee kulanka Leeds waxana ka dhex muuqday maqnaanshaha daafaca dhexe ee David Luiz kaas oo aan xitaa kaydka ku soo bixin.

Taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay in ay is waydiiyaan sababata uu David Luiz Gabi ahaan ku seegay kulanka muhiimka u ah kooxda Arsenal.

Laakiin tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in sababta uu David Luiz ku seegay kulanka tahay in uu Ilmo yar u dhashay isaga iyo xaaskiisa.

Sidaas darteed Mikel Arteta ayaa go’aamiyay in uu xiddiga fursad u siiyo in uu wakhti la qaato qoyskiisa iyo ilmaha yar ee u dhashay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US