Daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly ayaa lagu soo waramayaa inuu hubay inuu ka tagi doono kooxda kuna biiro Manchester City inta lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xagaaga.

29 jirkaan ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League iyadoo Manchester United ay markii hore aheyd kooxda ugu cadcad saxiixiisa ka hor intii ayna Man City u dhaqaaqin saxiixa xiddiga reer Senegal.

Kooxda Napoli ayaa xiddiga dul dhigtay lacag dhan 72 milyan oo euro taas oo Man City ka hor istaagay saxiixa xiddiga reer Senegal intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu Koulibaly la yaabay in uuna ku biirin kooxda Man City inkasta oo uu hubay in uu ku biiri doona Man City.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US