KHARTOUM(HALBEEG)-Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa maanta dib u billaabay wadaxaajoodkoodii ku aaddanaa muranka biyo xireenka Niil ee ay Itoobiya dhisanayso.

Wadahalladan saddex geesoodka ah oo laba bilood ka hor istaagay ayaa markale, isugu soo noqday iyada oo uu garwadeen ka yahay ururuka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Cyrill Ramaphosa ayaa sheegay in dib u bilaabashada wadaxaajoodka saddexda dal uu astaan u yahay kalsoonida ay dalalku ku qabaan gogosha uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika.

Wadaxaajoodka oo ku qabsoomaya hannaaka fogaan aragga ee “Zoom”-ka ayaa yimi maalmo uun kaddib markii madaxweyne Trump uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in muranka biyo xireenka uu isu rogi doono mid la isu adeegsado awood milatari.

Kulanka oo ay goobjoog ka yihiin ergooyin ka kala socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa la rajaynayaa in muranka muddada soo socday xal waara looga gaaro.


Post Views:
32

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US