Taageerayaasha kubada cagta England ayaa ugu dambayn ku soo laaban doona garoomada kulamada horyaalka premeir League sida uu xaqiijiyay Ra’iisal Wasaaraha dalka Uk ee Bris Johnson.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Uk ee Boris Johnson ayaa xaqiijiyay in ay taageerayaashu ku soo laaban doonaan garoomada Premier League 17 bisha May ee soo socota.

Laakiin Ra’iisal Wasaaraha dalka Uk ayaa xaqiijiyay in ay kaliya 10 kun oo qof ka qayb gali doonaan kulamada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Premier League ayaa taageerayaal la’aan ah tan ilaa markii uu dilaacay xanuunka Korona kaas oo kala xidhay adduunka oo dhan.

Laakiin arintaas ayaa is badali doonta xilli ciyaareedkan iyada oo kulamada yar ee ugu dambeeya taageerayaashu ka qayb qaadan doonaan kulmada kooxohooda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US