(Turin) 08 Juun 2021. Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in saddex naadi oo ay ka mid tahay Manchester United wada-hadallo kula jiraan wakiillo matalata xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaasoo mustaqbalkiisa xagaagan shaki weyn la gelinayo.

Kabtanka xulka Portugal ayaa heysta qandaraas ay hal sano ka harsan tahay, waxaana loo badinayaa in Juve lagula gorgortamo saxiixa Ronaldo suuqa xagaagan maadaama uu geli doono 12-ka bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Allianz Stadium marka laga soo laabto tartanka Euro 2020.

Si kastaba ha ahaatee, Jariiradda ESPN ayaa sheegtay inay Man United hor kaceyso saxiixa weeraryahankan 36-sano jirka ah kaasoo kaddib tartanka qarammada qaaradda Yurub ee xagaagan go’aan ka qaadan doono mustaqbalkiisa kooxda magaalada Turin ka dhisan.

Jariiradda ayaa sidoo kale carrabka ku dhufatay kooxaha kale ee ay wakiillada Ronaldo wada-xaajoodka la bilaabeen ay yihiin Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kuwaasoo iyagana si aad ah loola xiriirinayo inay gacanta ku dhigi karaan saxiixiisa.

Isku soo wada duub e, saddexda naadi ayaa doonaya adeegga halyeyga wali garoonka ku jira, waxaana haatan wakiillada laacibka Bianconeri indho-indheyn ugu jiraan koox ay ka helaan yabooh ku habboon.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US