Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysato dookhyada daafaca dhexe ee ay haatan haysato.

Xiddiga Virgil Van Dijk ayaa dhaawac ku seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac xun oo ka soo gaadhay jilibka kulankii Everton.

Kadib markii ay iska iibisay Dejan Lovren sidoo kale Joel Matip si joogto ah u dhaawacmo Liverpool ayaa haysata kaliya hal daafac oo dhexe kaas oo ah Joe Gomez.

si kasta ha ahaatee wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ayna jirin wax balan qaadaya in ay Liverpool suuqa u gali doonto daafac cusub January.

Xiddiga khadka dhexe ee Fabinho ayaa haatan ka ciyaara booska Virgil Van Dijk isaga oo ka garab ciyaara xiddiga Joe Gomez.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saarttay Cafiskii Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Fidiyay Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US