Kooxda Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan Semi-finalka tartanka Spanish Super Cup-ka kulan ay Taageerayaasha Barcelona si weyn sugayaan.

Barcelona oo sanadkii hore Semi-final-ka looga reebay tartanka ayaa doonaysa in ay iska xaadiriso Final-ka tartanka waliba dhaafto kooxda Sociedad.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa Sababaha ay Barcelona ugu dagaalami doonto ku guulaysiga koobka xilli ciyaareedkan:

1.Badbaadinta Xilli Ciyaareedka:

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta wakhti adag iyada oo soo badhigtay qaab ciyaareed xun waliba aan horyaalka kaga jirin kaalintii looga bartay kadib markii ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.

Haatan marka si loo eego Barcelona ayayna u badnayn in ay ku guulaysan karto tartamada horyaalka ama Champions League xilli ciyaareedkan marka loo eego qaab ciyaareedkooda xun.

Sidaas darteed Barcelona ayaa haatan ugu cad-cad in ay mar kale baxdo koob la’aan laakiin hadii ay ku guulaysato Spanish Super Cup-ka waxa ay ka badbaadaysaa in ay xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah baxdo koob la’aan.

2.Dhiiri Galinta Xiddigaha:

Inkasta oo ay Barcelona si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka hadana wax weyn ayaa is badalay todobaadyadii ugu dambeeyay waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed lagu qanci karo.

Hadii ay Barcelona iyaga oo sidan ah ku guulaystaan koobka waxa kor u kacaysa niyada xiddigaha taas oo keenaysa in ay samyeenaa horumar fiican waliba u dagaalamaan koobabka kale ee xilli ciyaareedka sida Horyaalka, champions Leageu iyo Copa del Rey-ga.

3.Cadaadiska Oo Ka Dagaya Ronald Koeman:

Inkasta oo ayna Barcelona ku qanci doonin kaliya Spanish Super Cup hadana waxa uu cadaadisku ka yara dagayaa Ronaldo Koeman arintaas oo fursad u siinaysa in uu dhiso kooxda uu doonayo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka iyo Mustaqbalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US