Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday in ay Real Madrid si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe marka la gaadho suuqa xagaaga.

Laakiin Los Blancos ayaa ku jirta xaalad dhaqaale xumo sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo saamayn weyn ku yeedhay kooxda.

Real Madrid ayaan wax saxiix ah samayn xagaagii hore sidoo kale waxa la filayaa in ayna wax saxiix ah samayn suuqa January ee haatan socda.

Laakiin Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa in ay samayso saxiix weyn marka la gaadho xagaaga dambe dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay uruuriso lacag u dhexaysay 100 ilaa 150 milyan oo euro si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Kyalin Mbappe oo uu heshiiskiisa kooxda PSG dhici doono xagaaga 2022.

Sidaas darteed Los Blancos ayaa doonaysa in ay xagaaga ilaa suuqa January iska iibiso ugu yaraan 6 xiddig si ay lacagtaas u uruuriso.

Xiddiga ay Real Madrid doonayso in ay iska iibiso waxa ka mid ah Luka Jovic, Isco, Marcelo, Dani Ceballos, Ibrahim Diaz iyo Gareth Bale.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US