Kooxda Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay la soo saxiixato xiddigaha Sergio Aguero & David Alaba waliba qaab xor ah ku helaan xagaaga marka uu dhoco heshiiskooda kooxaha Man City iyo Bayern Munich.

Aguero ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man City kadib 10 sano oo uu joogay kooxda kuna noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

Xiddiga reer Argentine ayaa la soo darsay dhaawacyo sabab u noqday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona Aguero u aragto badalka Luis Suarez kaas oo kooxda isaga tagay kooxda xagaagii hore.

Barca ayaa sidoo kale aaminsan in saxiixa Sergio Aguero in uu Lionel Messi ku qancin doono in uu sii joogo kooxda waliba heshiis cusub u saxiixi doono kooxda.

Alaba ayaa sidoo kale ah xiddig bartilmaameed u ah Barcelona kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay ku dooranaysaa xiddiga in uu boosas badan oo daafaca iyo khadka dhexe ah ka ciyaarikaro.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa dhankiisa isaga tagaya kooxda Bayern Munich oo uu ku sugnaa Muddo 11 sano ah waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sidaas darteed Barcelona ayaa doonaysa in ay hal mar la soo saxiixato labada xiddig iyaga oo waliba ku heli kara qaab xor ah xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US