Horyaalada ugu waaweyn yurub ayaa maraya meel xiiso leh inkasta oo uu horyaalada kala duwan ee ugu waaweyn ku jiraan wakhti bilow ah.

Xilli ciyaareedkan ayaa ah mid ka duwan wakhtiyadii hore iyada oo kooxaha ugu waaweyn ku dhibaatoonayaan natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka.

Waxa jirta kaliya 5 kooxood oo aan wax guuldaro ah la kulmin 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Kooxo badan oo waaweyn ayaa haatanba dhulka la dhigay dhabarkana loo saaray guuldarooyin inkasta oo ay ku kala badan yihiin kooxaha kala duwan.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo 5-ta kooxood ee aan wax guuldaro ah la kulmin ilaa haatan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub:

Bayer Leverkusen:

Kooxdan ayaa horyaalka Bundesliga ciyaartay 9 kulan waxana ay badisay 5 kulan iyaga oo bar-baro galay 4 kale ilaa haatan laakiin wax guuldaro ah lama kulmin.

Wolfsburg:

Kooxdan ayaa dhankeeda horyaalka Bundesliga ciyaartay 9 kulan waxa ay badisay 4 kulan waxana ay bar-baro gashay 5 kulan lamana kulmin wax guuldaro ah.

Atletico Madrid:

Kooxda Atleltico ayaa ilaa haatan qabatay shaqo ay ku fashilmeen kooxaha waaweyn ee La Liga ee Barcelona iyo Real Madrid iyaga oo aan la kulmin wax guuldaro ah Atletico ayaa ciyaartay 9 kulan waxa ay badisay 7 waxana ay bar-baro gashay 2 kulan walina waa bilaa guuldaro.

Ac Milan:

Hogaamiyayaasha horyaalka Serie A-da Ac Milan ee xilli ciyaareedkan ayaa wacdaro dhigaysa iyaga oo 5 dhibcood ka horeeya kooxda ugu soo dhaw ilaa haatan waxa ay ciyaartay 9 kulan waxa ay badisay 7 waxana ay bar-baro gashay 2 kulan wax guuldaro ahna lama kulmin.

Juventus:

Kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A-da ee Juventus ayaa dhankeeda bilaa guuldaro ah, Juve ayaa ciyaartay 9 kulan waxana ay badisay 4 kulan halka ay bar-baro gashay 5 kulan wax guuldaro ahna lama kulmin.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US