Xoojinta weerarka ayaa ahayd muhiimada Ronaldo Koeman ee kooxdiisa Barcelona gaar ahaan markii uu Luis Suarez ka tagay kooxda xagaagii.

Koeman ayaa xiddiga reer Holland ee Memphis Depay ka dhigtay muhiimadiisa 1-aad ee suuqa laakiin Barcelona ayaa haatan badalaysa qorsheheeda u dhaqaaqista saxiixa Memphis Depay.

Kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Lionel Messi ee kulamadii ugu dambeeyay iyo waliba qaab ciyaareedka Griezmann Barcelona ayaan u dhaqaai doonin saxiixa xiddiga Memphis Depay.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 4 sabab oo ka dambaysa sababta ay Barcelona uga baxday qorshihii ay kula soo saxiixanaysay Memphis Depay.

1.Goolasha Khadka Dexe:

Ronald Koeman ayaa dhawr jeer ku adkaystay muhiimada ay leedahay in ay xiddigaha khadkiisa dhexe dhaliyaan goolal laakiin todobaadyadii ugu dambeeyay Pedri iyo De Jong ayaa arintaas sameeyay iyaga oo goolal dhaliyay.

2.Xaalada Dhaqaale ee kooxda:

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta xalaad dhaqaale oo adag waxana ay kooxdu dhawr jeer hoos u dhigtay mushaharada xiddigaha ee kooxda 1-aad.

Sidaas darteed kooxda Barcelona ayaan ku jirin xaalad dhaqaale oo u saamaxaysa in ay saxiixa Memphis Depay ka soo bixiyaan lacag weyn.

3.Madaxweynaha Cusub:

Imaatinka madaxweynaha cusub ee kooxda lana filayo in la shaaciyo maalmaha soo socda ayaa saamayn ku yeelan doona qorshaha kooxda ee suuqa kala iibsiga.

Doorashada Madaxtinimo ee kooxda Barcelona ayaa la qaban doonaa 24 bisha Sidaas darteed marka ay kooxdu madaxweyne cusub yeelato waxa sii dhamaanaya suuqa January.

4.Abaalmarinta Messi:

Heshiiskii uu Lionel Messi saxiixay sanadkii 2017 waxa uu kooxda ka qaadanayay lacag dhan 100 milyan oo mushaar ah iyo waliba lacago gunooyin ah oo dhan 39 milyan oo euro taas oo ay kooxdu 3 qayb u kala bixinayso sidaas darteed koxdu waxa ay haatan u baahantahay in ay marka hore Messi siiso saxiixiisa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US