Goolhayaha kooxda Brighton ee Mat Ryan ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Arsenal iyada oo ayna cidna filayn in uu saxiixaas dhoco.

Goolhayaha 28 jirka ah ayaa qaab amaah ah ugu biiray Gunners inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii uu waayay booskiisa kooxda Brighton.

Go’aanka ay Arsenal kula soo saxiixatay Goolhaye Mat Ryan ayaa kala qaybiyay taageerayaasha Gunners laakiin waxa ana eegi doonaa waxa uu sameeyo.

Heshiiskan ayaan ahayn midkii ugu horeeyay ee muran badan dhaliyay ee ay dhacay suuqa kala iibsiga horyaalka premier League.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka saxiix ee lama filaanka noqday ee ay sameeyeen kooxaha premier League:

1.Steven Caulker- Liverpool:

Liveprool ayaa Culker ula soo saxiixatay daafac deg-deg ah kadib markii ay xiddigaha Martin Skrtel & Dejan Lovren ka dhaawacmeen Liverpool suuqii January ee 2016.

Laakiin dad badan ayaa la yaabay kadib markii uu Klopp go’aan ku gaadhay in uu weerarka ka ciyaarsiiyo xiddiga marar badan.

2.Odion Ighalo- Man Utd:

Markii uu Odion Ighalo ka tagay premier League sanadkii 2017 dad yar ayaa filayay in uu soo laabto.

Laakiin xiddiga reer Nigeria ayaa qaab amaah ah ugu soo laabtay horyaalka isaga oo ku biiray kooxda Man United waxana uu kaliya kooxda u saftay 19 kulan isgaa oo dhaliyay 5 gool.

3.Andy Lonergan – Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa qaab xo ah ula soo saxiixtay Goolhaye Lonergan kadib markii uu Alisson dhaawacmay sidoo kale Simon Mignolet ka tagay kooxda.

4.Sol Campbell- Notts County

5.Carlos Tevez & Javier Mascherano- West Ham.

6.Julio Cesar- QPR

7.Jay-Jay Okocha & Fernando Hierro – Bolton Wanderers.

8.Edgar Davids- Crystal Palace/Barnet

9.Bojan- Stoke City

10.Esteban Cambiasso- Leicester City

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US