MUQDISHO(HALBEEG)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay kiisas hor leh oo ah dad laga helay xanuunka Covid-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay 936 qof 128 ka mid ah laga helay xanuunka.

Gobolka Banaadir ayay wasaaraddu sheegtay in laga diiwaan geliyay tirada ugu badan oo ah 110 kiis, iyadoo maamul goboleedka Jubbalaan laga heley 8 kiis oo xanuunka, Soomaalilaan ayaa iyana laga diiwaangeliyay 6 kiis, Koofur Galbeed ayaa laga diiwaangeliyay 3 kiis, halka GalMudug laga helay hal kiis o qudha.

Xogta wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tiradaasi aan soo xusnay siddeed ka mid ah ay u geeriyoodeen xanuunka halka 7 kalena ay ka bogsoodeen.

Guuud ahaan Soomaaliya waxaa laga diiwaangeliyay 6,017 kiis oo ay ku jiraan 202 qof oo cudurka u geeriyootay, waxaa xanuunka ka bogsooday 3,764 qof.

Wasaaradda caafimaadka ayaa markale ku celisay baaqeeda ay u direyso bulshada ee ku aaddan in ay sii joogteeyaan dadaallada lagu xakamaynayo xanuunka.


Post Views:
29

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US