Ku soo laabashada Real Madrid ee horyaalka La Liga waxa sabab u ah Goolhaye Thibaut Courtois Sida uu qorayo wargayska MARCA oo ah mid ku dhaw kooxda Caasimada Spain ka dhisan.

Goolhayaha ayaa sabab u ahaa 4 guuldaro oo xidhiidh ah oo ay Real Madrid gaadhay taas oo ka caawisay in ay ku dhawaato kooxda Atletico Madrid.

Marka laga yimaado 4-tii guul ee ugu dambaysay, Real Madrid ayaa laga dhaliyay kaliya hal gool waana goolkii uu ka dhaliyay xiddiga Kooxda Huesca ee Javi Galan halka ay shabaqa ilaashadeen 3-da kulan ee kale.

Sabtidii kooxda Real Valladolid ayaa wax walba u samaysay si ay gool uga dhaliso Goolhaye Courtois laakiin waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaab ciyaareedkiisa fiican waxa uu Courtois ugu dabaal dagay guul iyo 3 dhibcood dhamaadkii kulanka.

Courtois ayaa bilowgii ciyaareeta sameeyay badbaadino cajiib isaga oo Real Valladolid ka hor istaagay goolal cadaan ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US