(Milan) 29 Luulyo 2021. Xiddiga Inter Milan ee Christian Eriksen ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow kusoo laabanayo xerada tababarka ee naadigiisa isagoo haatan garoommada kubadda cagta ka maqan ku dhowaad labo bilood.

Kubbad abuuraha khadka dhexe ka ciyaara ayaa garoonka ku dhacay kaddib markii uu wadnaha shaqada joojiyay muddo yar intii ay socotay ciyaartii xulkiisa Denmark uu la qaatay xulka Finland wareeggii guruubyada ee tartankii EURO 2020.

Haatan se, wargeyska Sky Italia ayaa sheegaya inuu xiddigan kusoo laabanayo xerada tababarka ee naadiga Inter toddobaadka soo aaddan si uu halkaas loogu hubiyo caafimaadkiisa iyo inuu kusoo laaban karo kubadda cagta.

Sida warka lagu sheegay, Eriksen ayaa mari doona hubin cusub oo sax ah taasoo lagu sameyn doono wadanihiisa si loo xaqiijiyo sababihii keenay inuu shaqada joojiyo habeenkii Copenhagen.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib tijaabooyinkaas caafimaad, Nerazzuri ayaa go’aansan doonta tallaabada xigta iyo suuro galnimada uu ugu soo laabanayo kubadda cagta.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US